Galmudug oo gaadiid dagaal ku wareejisay Ilaalada Axmed Madoobe (Daawo Sawirada)
Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa gaadhay qaar kamid ah ciidamada ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la filayo in isna goordhaw gaaro magaalada Dhuusomareeb.
Ciidamada ilaalada u ah Madaxweynaha Jubbaland oo ku hubaysan hubka fudud ayaa markii ay gadheen garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb waxaa lagu wareejiyay gaadiid dagaal ay isticmaalayaan inta ay joogaan Dhuusomareeb.
Gaadiidka dagaalka ee lagu wareejiyay ciidamada ilaalada u ah Sheekh Axmed Madoobe ayaa waxa ahorey u isticmaali jiray ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa magaalada Dhuusomareeb.
Magaalada Dhuusomareeb waxaa ku sugan ciidamo badan oo ilaalo u noqonaya madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, kuwaa oo ku kalsoonaan waayay ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa Galmudug.
W/Q Hassan Abdulle Noolow