Weriyaha caanka ah ee Al Jazeera TV warka ka aqrisa ee Ghada Oueiss ayaa dacwad rasmi ah ka galaysay dalka Maraykanka, taasoo ka dhan ah dhaxal sugayaasha Sucuudiga iyo Imaaraadka Mohammed bin Salman iyo Mohammed bin Zayed, kuwaasoo ay ku eedeeysay inay jabsadeen telefoonkeeda si ay u wiiqaan sumcadeeda iyo mihnadeeda saxaafadeed.

Dacwaddan ayaa laga xareeyey Degmada Koonfurreed ee Gobolka Florida, waxaana MBS iyo MBZ kula jira saraakiil sare oo labadaa dal u dhashay iyo xitaa muwaadiniin Maraykan ah, si loo waxyeelleeyo doorka gabadhan oo tooshka ku shidda meel ka dhacyada labadan nidaam ee kali taliska ah.

“Ms Oueiss waxay dacwad ka keentay in la jabsaday telefoonkeeda xogeheedana si sharci darro ah loo faafiyey. Qof katsa oo ka dambeeya sharci darradan waa in wax laga waydiiyaa.” ayaa ku dhigan warbixinta dacwadda ah ee loo gudbiyey Maxkamadda, sida uu qorayo The Hill.

Bishii Abriil ayaa baraha bulshada lagu faafiyey muuqaallo ay leedahay gabadhan, waxaana ka mid ahaa mid ay xiran tahay dharka dabaasha oo u muuqdey kuwo qaawanaan xigeen ah.

Waxaa xusid mudan in ay jiraan labaatan eedeysane oo kiiska ka qeybqaatay jabsiga taleefoonkeeda, siideynta macluumaadkeeda iyo sawirradeeda gaarka ah, kuna daabacday baraha bulshada iyo warbaahinta si loo wiiqo shakhsiyadda Aweys.

waxa dukumiintiga la horkeenay maxkamada ku sifeeyeen “weerar qorsheysan.” Ujeeddadeeduna waa in la baabi’iyo sumcaddeeda, nolosheeda gaarka ah iyo shaqadeeda. 

Dacwadan ka dhanka ah Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa timid kadib markii Saad Al-Jabri uu isagana ka gudbiyay Kiis isaga oo jooga Mareykanka. Mucaaradka Sacuudiga Cumar Bin C / casiis ayaa isku diyaarinaya inuu dacwad cusub ka gudbiyo Bin Salmaan kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu diray howlgalo dil ah oo ay ku jiraan 4 dhaqtar  si ay u bartilmaameedsadaan, sidii uu ugu sameeyay saxafiga Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi. Kumaa khaarijiyey, gooyey oo jidhkiisa qunsuliyada Sucuudiga  ee Istanbul.