Furista Ururrada: Dhul gariir ku dhuftay Xisbiyada Mucaaradka

W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Waddani: waxa oodda soo goosanaya qamaamuurta xisbiga ku jirta ee hore u waayey fursad ay xisbi ku furtaan. Wasiir hore Duur oo si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey furista ururrada ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yidhi “Furitaanka ururada siyaasadeed waa dhawaaq shacabku soo dhaweeyay.

Waa fursad intii wax saluugsanayd ay Ku sixi karaan waxay tabayaan”. Tani waa bilowgii waxa waddooyinka ku soo jira inay xubno badan ay suurtagal tahay inay urur furtaan. Guddoomiyaha xisbiga iyo musharraxaha ayaanu shaki ku jirin in furista ururradu ay joog iyo jiifba u diidayaan, waxaana garbahiisa ka baxaya rag miisaan ku lahaa xisbiga oo urur furan doona. Weli go’aan ka qadhaadhi muu soo marin guddoomiye Xirsi iyo musharrax Cirro. ‘Qolo marti ah oo Oogaadeena ayaa tegay Harar, markaasaa bun loo keenay iyaga oo aan weligood bun cabbin. Markii ay bunkii dhammaysteen ayaa lagu yidhi, iska taga waa sadaqee. Markaasaay yidhaaheen weli sadaqo ka qadhaadh maanu arag’.

= Kulmiye: Waxa meesha ka baxaysa is-bahaysigii beelaysnaa ee xisbiga Kulmiye ku shuraakoobay. Waxaana soo bixi doonta inay labadii beelood ee ugu cuslaa kala dhaqaaqan, oo mid kastaa dhawr urur ka dhexsamaysmaan. Dhammaan xubnihii xisbga ku jiray ee aan golaha wasiirrada ku soo bixin, ee sitay magaca xil-suge ayaa bannaanka uga bixi doona, oo urur furan doona. Hoos u dhac weyn ayaa ku soo fool leh xisbigan siyaasadda Soomaalilaan gacanta ku hayey 10 kii sanno ee ugu dambeeyey. Inta badan xisbiga xukuumiga ahi wuu badbaadaa marka ururrada la furo.

= Ucid: xisbiga ugu hor dhiman doonaa waa kan, waayo markii horaba naf la caari ayuu ahaa. Kol haddii xisbigii Waddani ee ugu weynaa mucaaradku ay xaaladiisu tahay inuu rifmo oo uu ku jiro xaalada hubaal la’aan ah inuu soo bixi iyo in kale, maxaad ka filanaysaa Ucid oo markii horaba aanay nafi ka sarayn. 20 sanno ee ugu dambeeyey ayuu xisbigu ahaa qol u xidhan guddoomiyaha iyo musharaxa aan dhicin ee Faysal. Waraysi ay BBC-da laanta Afsoomaaligu ka qaaday markii uu soo baxay hadalka furista xisbiyadu, ayuu si cadho leh ku yidhi “ ama ururro ha furo ama wuxuu doono ha furo”.Waxa ay hore maryo dhiigleh ay kala furteen Jamaal oo mar xisbiga musharax ka noqday. Waxa kuu caddaynaysa inuu yahay dhiciskii birta loo sii siday ee bakhtiyey, doorashadii ugu dambaysay wuxuu helay 4%.

Maxaa la filan karaa?
Waxa si weyn loo dhawrayaa inay beelaha darafyadu boodhka iska tumaan oo ay siyaasiyiintoodu isu bahaystaan xisbi ay ku midoobaan Boorama, Laascaanood iyo Badhani. Ragga fikirkaasi hore u sheegay ee aan qarsan waa Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Prof. Gallaydh ‘AHN’ iyo Xaglotoosiye. Ololihii tabliiqa siyaasadda ee ay horboodayeen labadan Prof. ayaa mar ay Boorama joogeen la weydiiyey sababta saddexda xisbi ay beesha dhexe keligeed u yeelatay? Prof. Samatar ayaa si cadho leh uga jawaabay oo yidhi hadal nuxur ahaan noqonaya, “maxaa u diiday Boorama inay xisbi furato?, yaa u diiday?. Ma jirto meel loogu diiday inay xisbi furtaan. Hadday hore u dhacday in aanay xisbi lahayn, qorshahaasi waa loo baahan yahay”. Sidoo kale siyaasiyiinta Ismaaciil Hurre Buubaa, Dr. Gaboose, Maxamuud Xaashi iyo Cabdicasiis Samaale ayaa laga wadaa inay ka qayb galaan furista ururrada.

Saameynta Ganacsatada iyo Wadaaddada
Waxa si weyn loo rajeynayaa inay kaalin muuqata ay ka qaataan furista ururrada dadka shaqaalaha gacanta ku hayaa. Waxa soo bixi doona ururo ay dhaqaale badan ku bixiyaan ganacsatadu ama wadaaddadu oo hadhow ay saameyn dadban ku yeeshaan sida hadda adduunka ka jirta. Xisbiyada ay gacanta ku hayaa ganacsatada dhaqaalaha haysaa waa kuwa ugu xooga badan xisbiyada jira wakhtigan. Dadka lagu laayo hubka fudud ee Maraykanka gudihiisa lagu iibiyo, waxa u taag waayey madaxdii soo martay Maraykanka. Waayo, waxa awood xisbiyada ku dhex leh ganacsatada iibisa hubkaasi oo dhaqaale badan siisa xisbiyada Maraykanka. Waxa ay xubno badan ku leeyihiin golayaasha sharci-dejinta Maraykanka. Markaa sharci kasta oo lagu diiday yahay hubkaasi way daadafeeyaan. Wakhtigan xaadirka ah adduunka waxa ugu xoog badan hantiilayaasha lacagta haysta.