Farmaajo oo Madaxda 3 dowlad goboleed oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay  galab gaadhay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa caawa halkaas kulamo kula leh qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada.
Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Madaxtooyada Galmudug.
Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa iyana lagu wadaa iney beri gaaraan magaalada Dhuusamareeb.
Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu qaliin kooban ku galay Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ka dib xaalad caafimaad oo soo wajahday.
Dhamaan Madaxda ku sugan Dhuusamareeb iyo kuwa la sugayo ayaa ka qeyb galaya shirka dhammeystirka wada-tashiga hannaanka geeddi socodka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka oo saacadaha soo socda furmaya iyadoo madaxdu ay ka arrinsanayaan qodobbo muhiim ah oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorashada dalka.