Faransiiska Oo Karbaashay Croatia, Ronaldo Oo Kalidii Ku Filnaaday Sweden, Belgium Oo Xasuuqay Iceland Iyo Natiijooyinka Kulamadi
Xulka qaranka France ayaa guul weyn kasoo hooyay waddanka Croatia oo ay isku haleeleen kulan ka tirsan Group 3 ee tartanka UEFA Nations League, waxaanay isku dhibco noqdeen Portugal oo meel iska saartay Sweden oo laba guul-darro la iskugu xigsiiyey.
Antoine Griezmann ayaa dawakhaadii iyo madax-xanuunkii ka haystay Barcelona isku illowsiiyey gool qurux badan oo uu u adeegsaday lugtiisa bidix oo uu qaybtii hore ku hubsaday shabaqa Croatia isaga oo ku barbarreeyey gool layaab lahaa oo difaacii hore ee Liverpool ee Lovren uu ku aftaxay ciyaarta.
Kulankan oo uu dhaawac kaga fadhiyey Kylian Mbappe oo ciyaartii Sabtidii ee Sweden wax ku noqday ayaa waxa Faransiiska gool labaad u saxeexay weeraryahanka Manchester United ee Anthony Martial ka hor intii aanay Croatia la imanin goolka barbarraha oo uu u dhaliyey
Josip Brekalo.
Advertisements
France ayaa guusha ciyaarta xaqiijistay qaybtii labaad oo ay laba gool oo darandoori ahaa u dhaliyeen difaaca da’da yar ee ay kooxaha badan raadinayaan ee D hiayot Upamecano iyo Olivier Giroud, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 4-2 ay guushu ku raacday Faransiiska oo yeeshay lix dhibcood, kaalinta labaad ee Group 3 ku jira.
Portugal ayaa hoggaaminaysa hormadan, waxaanay 2-0 ku jiidheen Sweden oo labadii ciyaarood ba laga badiyey si la mid ah Croatia, waxaana labada goolba dhaliyey Cristiano Ronaldo oo noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee reer Yurub ah ee dhaliya 100 gool iyo ka badan oo heer caalami ah.
Xulka qaranka Belgium ayaa isaguna xasuuq u geystay Iceland, waxaanay ku garaaceen 5-1 waxaana kulankan oo uu kaydka fadhiyey Eden Hazard oo ciyaartii labaad aan la ciyaarsiinin goolasha u dhaliyey Michy Batshuayi oo laba gool saxeexay, Axel Witsel, Dries Mertens iyo da’yarka Jeremy Doku.
Natiijooyinka kulamadii UEFA Nations League ee caawa
League A Group 2
Belgium 5-1 Iceland
Denmark 0-0 England
League A Group 3
France 4-2 Croatia
Sweden 0-2 Portugal
League C Group 1
Cyprus 0 – 1 Azerbaijan
Luxembourg 0 – 1 Monteneg
League C Group 2
Armenia 1-2 Estonia
Georgia 1 – 1 North Macedonia
League D Group 2
San Marino 0 – 2 Liechtenstein