Fannaaniinta Cusub: Ku soo Shaac-bixid Wax Aanay Lahayn (WQ: Cali Cabdi Coomay

Sheekadan hoose waxa ay I xusuusisay sida fannaaniintan dambe aanay isugu hawlayn inay ku soo shaac-baxaan heeso ay iyagu leeyihiin, oo ay si fudud u soo qaadayaan heeso aanu tacab badani ka gelin oo iska diyaarsan. Heeso uu fannaankii lahaa ku soo tabcay oo uu habeenno u soo jeeday, hadday noqoto xiftiga iyo laxan-saarista, ayuu fannaan yar doonayaa inuu suuqa ku soo galo. Halkii uu isagu mid u gaar ah ku soo shaac-bixi lahaa. Qaarkood cod xumida ayey kaga dareen, markay heesayaan. Waayadii hore fannaanka codkiisa ayaa la tijaabin jiray, sidaasana lagu go’aan qaadan jiray inuu bulshada u soo ban-baxo iyo in kale. Abwaan Xasan Ganay ayaa kulan-suugaaneed ka dhacay hudheelkii la odhan jiray Miigsiig, lagu weyddiiyey bal inuu isku dayey inuu weligii heesaa noqodo? Wuxuu si kooban ugu jawaabay” Haddii aan halkan ka heeso, waxa la odhan nin ayaa halkan ka ooyaya”. Wuxuu sarbeebay siduu u saluugsan yahay codkiisa.

Halku dhig nin lagu xidhay Muqdisho, oo ay maxkamaddii Muqdisho nin u adeegsatay ayaa ahaa: Ciidankii nabadsugida ee Maxamed Siyaad ayaa nin wejiga uga eeg Maxamed Siyaad ku xidhay magaalada Afgooye horraantii sannadkii 1985-kii, dabadeed waxa ay soo taageen maxkamadii, waxa ay ku eedeeyeen” isu-eekaysiiye madaxweynaha qaranka”. Sidaasi darteed, Fannaaniintan cusub waa isku eekaysiiye Fannaan aanu gaadhayn.  Hal dood ah oo macquul ah ayaa heesahan in dib loo soo tumo gar u noqon karta. Taasi oo ah inay heesihii hore la jaanqaadaan muusiga casrigan ee aadka u horumaray.

Dhawaan ayaan la kulmay dhawr abwaan oo ka mid ahaa kuwii hore ee dhidibada u taagay fanka Soomaalida wakhtiyadii dhexe oo ku sheekaysanaya geed u dhaw Istuudyaha idaacadda Radhyow Hargaysa. Waxa aan ka xusuustaa kooxdii goobta joogtay Abwaannada kala ah: Dacar, Xasan Ganay, Muuse Cali Faruur, Xasan Rooraaye, Axmed Saleebaan Bidde iyo gabadha heesaaga ah ee Canab Diiriye.

Goobta waxa lagu hayey sheekooyinka Soomaalida ee inta badan bood-booda ee kolba mowduuc laga hadlo iyada oo aan kii hore laga gun-gaadhin. Iyada oo aanu sheekada, kaftanka iyo maaweellada goobta ka socota dhagaysanayno ayuu nin dhallinyaro ahi kooxdii su’aalay, fanka casriga ahi muxuu kaga duwan yahay kii aad ku soo jirteen 50 sanno ee la soo dhaafay? Runtii waan ka helay su’aash wiilka. Dhawr Abwaan ayaa jawaabo ka bixiyey, hasayeeshee waxa iiga soo baxay nuxurkan:

= Waxa ay isku raacsanaayeen in fanku uu aad uga horumaray dhinaca qalab-tumista (Muusiga), hasayeeshee wuu dib uga dhacay dhinaca midhaha. Waxa ay tusaale u soo qaateen in 30 sanno ee la soo dhaafay aanay jirin hal riwaayada ah oo ka soo baxday abwaannada horkacaya fankan cusub oo u dhiganta kuwii ay iyagu soo bandhigi jireen. Sidoo kale waxa ay soo qaateen in fannaaniinta dambe inta badan soo qaadaan heesihii ay hore u soo qaadeen fannaaniintii hore, keliya ay ku ladheen muusiga casri ah, oo la jaanqaadaya adduunyada Tiknoolajiyada ka hormartay.

= Waxa kale oo ay soo qaateen inay meesha ka baxday ama aad u yaraatay ku xidhnaashihii bulshada Soomaalida ee miyiga. Abwaannadu waxa ay heesaha ku salayn jireen dhinaca miyiga oo bulshadu ay ahay ta keliya ee ay wax ku fahmaysay. Haatan se magaalooyinka ayaa loo soo guuray. Fankan casirga ah waxa laga doonaya inay in badan ku saleeyaan magaalooyinka ay dadkii u soo guureen, aan se laga tegin miyigii oo iyana wax lagaga daro.

= Ugu dambeyntii waxa ay sheegeen inay meesha iyana ka baxday ama ay yaraatay dawladihii fanka horumarin jiray. Dhaqaale iyo dhiiragelin aan xad-lahayn ayey dawladihii hore fanka ku bixin jireen, marka laga tago dano siyaasadeed oo ay ka lahaayeen haddana faa’iido iyo ku tirsanaan badan ayey fanka u ahayn. Hasayeeshee taasina khatar kale ayey keentay, oo dawladihii fanka taageeri jiray markii ay isku dhaceen dawladihii, iyakii ayaa lagu rogay riwaayadihii oo dagaal qarsoon mar dambe ay dawaladihii fahmaan ayuu noqday.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

 Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com