Fanaan Caan ka ahaa Fanka Soomaalida oo Geeriyooday
Ilaah ha u naxariistee waxaa xalay Isbitaal kuyaala dalka Jarmalka ku geeriyooday Fanaanka Caanka ah Cabdi Cali Bacalwaan oo kamid ahaa Fanaaniintii hore ee aadka loo jeclaa.
Fanaanka ayaa la sheegay in uu u geeriyooday Cudurka Covid-19 oo mudooyinkii dambe la il darnaa, waxaana Fanaanka oo maalmahan xaaladiisa lala tacaalayay ugu dambeyn xalay ku geeriyooday isbitaalkii lagu daweenayay.