FADEEXAD: Xiddig Caan Ah Oo U Dheela Man City Oo La Caweeyay Dumar Jirkooda Ka Ganacsada & Ganaax Uga Imaanaya Kooxda Sheikh Mansour

Daafaca midig ee kooxda Manchester City Kyle Walker ayaa iska dhegotiray baaqii ahaa in guryaha la joogo isagoo la caaweeyay labo dumar oo kuwa jirkooda ka ganacsada ah iyo nin ay saaxiibo yihiin.
Mid ka mid ah dumarkaas oo la hadashay jariirada The Sun ayaa sheegtay inuu casuumay Kyle Walker isagoo lacag ku bixiyay inay la joogaan muddo seddex saacadood ah ka hor inta uusan taageerayaasha kubada cagta ugu baaqin inay guryahooda joogaan oo ay ka qeyb qaataan yareynta faafida caabuqa Coronavirus.
Walker oo raaligelin soo saaray xalay ayaa haatan wajahaya ganaax culus oo uu kala kulmo milkiilaha kooxda Sheekh Mansuur madaama uu iska dhegotiray talada caafimaadka iyo amarka kooxdiisa.
Ilow ku dhow ciyaaryahanka ayaa u sheegay The Sun: “Kyle waxa uu gaaray meeshii ugu hooseysay ee habdhaqankiisa, tababarihiisa aad ayuu uga caroon doonaa, waana uu ku saxan yahay.”
Horyaalka Premier League iyo horyaalada kale ee Yurub ayaa ku jira hakad madaama weli uu sii faafayo caabuqa Coronavirus.
Ciyaartoyda kooxaha Ingariiska ayaa lagu amray inay gurigooda joogaan oo aysan ka soo bixin, iyadoo ciyaartoydii amarka jabisa ay ganaax kala kulmeyso kooxda ay u ciyaaraan.

Maalintii Jimcaha kulan ay khadka muuqaalka ku yeesheen madaxda 20ka kooxood ee horyaalka Premier League ayay ku go’aansadeen in horyaalka uu hakad ku jiro ilaa iyo laga adkaanayo caabuqa Coronavirus.
Laakiin kooxaha ayaa isku raacay in la dhameystiro xilli ciyaareedka waqti walba oo ay qaadato, iyadoo sababta ugu weyn ay tahay in kooxaha Premier League ay ku qasbanaan doonaan inay celiyaan 750 milyan ginni haddii ay kansalaan xilli ciyaareedka, iyadoo lacagtaas loo celinayo TV-yadii lahaa xuquuqda baahinta.