Facebook oo hawada ka saaray xayeysiin loo sameeyey ololaha doorashada Trump (Sababta
Facebook ayaa hawada ka saartay xayaysiin la xiriirta ololaha doorashada ee madaxweyne Trump, xayaysiintaas oo ay kasoo muuqatay calaamad Naziyiinta ay adeegsan jireen oo saddex gees ah.
Calaamadda ayay shirkaddu sheegtay iney tahay mid looga soo horjeedo kooxaha garabka bidix oo Trump uu qaswadayaal ku tilmaamay dhawaan.
Kooxda ololaha doorashada ee Trump ayaa sheegay in ujeedka ay u adeegsadeen calaamadas ay ahayd mid ay uga soo horjeedaan kooxda antifa hase yeeshee Facebook ayaa sheegtay in xayaysiintaas ay kasoo horjeedo siyaasadaha ka dhanka ah naceybka ee u degsan shirkadda.
Madaxweyne Trump ayaa dhawaan ku eedeeyay kooxda antifa in ay ka dambeeyeen rabshadihii ka dhacay dalka Mareykanka, rabshadahaas oo ka dhashay dilka nin boolis ah uu u geystay nin Afrikaan Amerikaan ah oo lagu magacaabi jiray George Floyd.
Ururka antifa ayaa ah dhaqdhaqaaq ay siyaasadiisu diidan tahay Naziyiiinta iyo qolyaha caddaan-nimaada ay ku weyn tahay, waana koox abaabulan oo aan lahayn hogaamiye la ogyahay.
Trump ayaa bishii hore sheegay in uu kooxdaas