Faa’iidada waxbarashu u leedahay shaqsiga, bulshada iyo qaranka (WQ: Khalid Mahad Osman)

Marka ay aqoonyahannadu erraygan “Waxbarasho” qeexayaan waxa u qeexaan siyaabo kala duwan oo waxaana kalifaysa in siyahaa kala duwan loo qeexo ,in uu qeexe  kastaaba ka eego dhanka takhasusaadkiisa siday u macnaysmayso ama uu filayo inay ugu haboontahay.Balse waxaan laysla diidanayn inay tahay hab iyo hannaan uu qof/dadyow ku helayaan aqoon , xirfaddo , iyo arragtiyo wax ka badelaya hab fikirkooda waxna kataraya nolosha maalin laha ah. Sida aynu ognahay ma jiro qof bilaa u jeedo u nooli,laakiin dadku isku wada u jeedo uma noola , waayo qofba waxbuu qiimeeya inta la joogo Koonkan aynu ku uumannahay dushiisa.

Tusaale ahaan, reer Somaliland waxaynu nahay dad Muslin ah oo doonaya inay ku liibaannaan labada daarroodba oo aynu noqono kuwii if iyo aakhiraba liibaney , inagoo umarayna dadaal aqooned iyo tacab joogto ah oo aynu ku tabcayno kor uqaadista diinta iyo dhaqanka wanaagsan.

Hadaba hadii aynu soo qaadano macnaha ugu weyn ee mawduucani ka hadlayo waxaa inaynu isla fahano ah  errayga “waxbarasho” oo afka Qalaad ku noqda “ Education “ asal  ahaan wuxuu ka soo jeedaa erray Giriig ah oo ay macnihiisu tahay “ Ka kexee madowga oo ku hag iftiinka”.

Dhanka kale mawduuceenani ma wada koobsan karo dhamaan waxbarshada iyo qaybaheeda balse waxaynu diirada ku saaraynaa inaynu ka jawaabno su’aasha kor ku xusan oo uu mawduuceenani ku saabsanaa ;

Wax barashada waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood oo waa wayn oo kala aha:

  1. Waxbarashada Dadban: Waxbarashada Rasmiga ah iyo Waxbarasha aan Rasmiga ahayn .Waxbarashadda Dadbani waa waxbarashada aynu u naqaano waxbarashada dadka waaweyn ama Farsmaooyinka gacanta. Dhanka kale hadaynu ka eegno waa waxbarsho kast oo nidaam leh oo kabaxsan waxbarashada tooska ah.
  2. Waxbarashada Rasmiga: waa waa waxbarshada leh wakhti go’an oo ladhigto marka ay dhamaatona laysku abaal marriyo Shahaado ama Cadayn kale.

 

  1. Waxbarashadda aan rasmiga ahayn: waa aqoon kasta oo qofku uu ka bartay meel kabaxsan goob wax barsho oo aan lahayn nidaam waxbarsho ama waxaynu odhan karnaa waa mid aan ku talo gal loo baran balse qofkuu uu ka dhex barto noloshiisha maalin laha aha , tusaale ahaan sida loo labisto ama loo haasaawo.

Waxbarashada marka laga hadlayo shaqooyinkeeda waxaa ka hadlay  Saynisyahano iyo Culimo baddan .Sidoo kale waxaa ugu caansan arragtida bulsho-yaqaan Durkheim ee  “Fagshinalisam”  oo ahaa Caalimyada ugu waawayn ee cilmiga Sociologyga wax badana ku soo kordhiyay cilmigaas .Arragtidani waxay dhigaysaa inay waxbarashadu fududayso hawlo badan oo nolosha aadamaha ku taxaluqa  , kuwaas oo ay u fududayn karto hab la arki karo iyo hab aan la arki karin labadaba .Hase yeeshee , dhamaanteen waynu aqoonsanahay kuwa la arki karo, balse ma wada aqoonsanin ama badh inaga mid ahi ma aqoonsana kuwaas aan la arki Karin sida inay waxbarashadu ka qaybqaadato qofka aqoonta lihi sidii uu u u aamini lahaa waddankiisa una noqon lahaa mid qadiyadda waddankiisu ku muddan tahay . Guud ahaan marka laga yimaado arragtidaas Durkheim sida ay u dhigeen shqooyinka waxbarashada , waxaa ay buuggaagta Aas aaska waxbarashadu  dhigayaan inay guud ahaan saddexdan si toosa iyo sida dadban labada waxtar ugu leedahay;

  1. Shaqada ay u qabato Sahqsiyaadka
  2. Shaqada ay u qabayto Qaranka iyo
  3. Shaqada ay u qabato Bulshada 

Ugu horyn  Shaqsiga

Haddaynu ku horeyno shaqada ay u qabato shaqsiyaadku waxay noqonaysaa sidan ;

B) Waxay ka taageertaa shaqsi kastaa siduu u kori lahaa Garaad ahaan iyo Jidh ahaanba

T) Waxay siisaa shaqsi kastaa inuu helo jiho iyo aqoontii ku hagi lahayd jihadaas

X) Waxay shaqsiyaadka gaadhsiisaa horrumar togan oo la dareemi karo.

Kh) Waxay wanaajisaa oo ay toos-toosisaa dhaqanka shaqsiga

D) Waxay u sahashaa inuu helo xirfad shaqo iyo xirfaddo kale oo wax katari kara maaraynta nolosha maalinle ha ah.

R) Waxay u sahashaa shaqsi kastaa inuu garan karo wixii tagay iyo waxa taagn si uu ugu diiyaar garoobo waxa iman doona mustaqbalka .

S) Waxay horrumarisaa shaqsiyadda qofka oo ay ka dhigtaa mid la tacaali karta duruufaha nolosha ee kala duwan , kuwa togan iyo kuwa tabanba .

Sh)Waxay shaqsiga u gudbisaa hab-dhaqan dhaqan.

Marka xigta Qaranka

Sida ay shaqsiga waxtar ugu leedahay ayay qaranka iyo bulshada oo dhana ugu leedahay, waxtar , kuwa ay qaranka u leedahany waxa ugu muhiimsan ,

B) Waxbarashu waxa weeye Mattoorka ama Wadnaha horruumarka ee Qaranka.

T) Waxay kor uqaadaa daacadnimada iyo u heelanaanta in loo adeego bulshada iyo Qaranka.

J) Marka waxbarasho la helo wuxuu qaranku helayaa dadyow xirfaddo kala duwan leh oo fududayn kara hiigsiga qranka.

X) Waxay sidoo kale horrumarisaa hogaamiyaasha qaranka oo ay ku hagaysaa sidii ay u hogaamin lahaayeen qaranka sida ugu wax ku oolsan.

Ugu dambayn  Bulshada

Bulshada waxay u leedahay muhiimada aad u weyn waxayna wax ka qabataa sidii;

  • Waxay kor u qaadaa tayada nolosha ee bulshada
  • Waxay keentaa xadaaraddo iyo dhaqanno wanaagsan oo nolosha kaabaya, waxayna adkaysaa amniga sidii bulshaddu ay ugu dadaali lahaayeen xasiloonidda.
  • Waxay u diyaarisaa bulshadu sidii dhamaantood ay u noqon lahaayeen muwaadiniin horrumarka ka qayb qaata.
  • Waxay qaabaysa bulshadu sidii ay u gaadhi lahaayeen horrumar waara.

Hadaba, isku soo wada xooriyoo, waxbarashadu hawlaha ay u fududayso nolosha aadamaha ama ay waxtar ugu leedahay  si Shaqsiile ah, Qaran ahaan iyo Bulsho waynta dhamaaneteed waxaynu ka xusnay kor .Sidoo kale waxaynu qalinka ku duugnay qaybaha kala duwan ee waxbarashada iyo waxbarashada lafteeduba waxay yihiin .Waxaynu aas aas ahaan iyo ilo-bixin ahaan isla arragnay sida tooska aha ama sida aan tooska ahayn ee waxbarsashu wax uga tarto nolosha aadmaha inagoo u kala qaadnay qaybo kala duwan . Ugu dambayn , waxaynu ku dhaafaynaa waxbarshau waa hubkii jahliga lagu saarayee aynu ogaano waxtarodeeda kala duwan aynu kana faa’iidaysano dhamaanteen

W/Q: Khalid Mahad Osman