Laba xubnood oo katirsan booliiska ayaa lagu dilay qarax lala beegsaday gaari gaashaaman oo marayay wadada Jaamacadda Kabul ee magaalada Kabul saaka oo Sabti ah,sida ay u sheegeen booliska wargeyska Tolo News.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in gaariga uu lahaa Mohammad Nabi Bayan, oo ah ku xigeenka madaxa booliiska Kabul ee arrimaha amniga oo ka badbaaday weerarka, isaga oo ku laabtay goobtii uu ka yimid.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyadda qaraxa, oo ay baarayaan booliska. Dhanka kale, hal nin oo boolis ah ayaa ku dhintay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay oo lala beegsaday gaari ay leeyihiin booliska magaalada Pul-e-Khumri ee gobolka Baghlan saaka.

Sida lagasoo Xigtay ilo wareedyo Qarax ayaa ka dhacay degmada Daman ee gobolka Kandahar subaxnimadii Saaka, Saraakiisha deegaanka ilaa hada wax faahfaahin ah kamay bixin weerarka.

Sida oo kale Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay degmada Nahr-e-Siraj ee gobolka Helmand fiidnimadii Jimcaha, halkaas oo ay ku dhinteen laba ka tirsan ciidamada amniga, sida ayuu yiri Ataullah Afghan, oo ah xubin ka ahaa Golaha Gobolka Helmand.

Dhanka kale, shaqaale ka tirsan NDS, Juma Gul, ayaa lagu dilay weerar rag hubaysan oo aan la garanayn ay ka geysteen magaalada Lashkargah ee gobolka Helmand saaka, sida laga soo xigtay ilo amniga ah.

Raadiyaha Baakistan sida Risaala ka soo xigatay ilaa 13 boolis ah  ayaa lagu dilay weerar ay Taliban ku qaadeen degmada Ghorian ee gobolka Heart Dalka Afghanistan.