Xanuunada Maskaxda iyo Dareen-wadka

Muddo laga joogo  illaa labaatan sanno, qoraallo badan oo caafimaad ayaa lagu shaaciyey in maskaxdu aanay wax jawaab ah ka bixinin insuliinta. Wakhtigu isbeddeli ogaa! Tiyoo ay jireen arimahaasi waxa aynnu cilmi-baadhiso dhowr ah ka samaynay arrimahaas, sidaas darted , waxa aynnu ogaanay , in insuliintu ay ka shaqysiiso qybo badan oo masaxda ka mid ah, sidoo kale waxaynu soo daah-furnay sida uu insuliin caabbisku halis ugu yahay caafimaadka maskaxda, iayaga oo faahfaahsan waxa aad kaga bogan doontaa cutubkan.

Si kastaba ha ahaatee, sida unugyada jidhka oo dhan  , unagyada maskaxdu waxay  dareemaan  oo ay ka jawaabaan insuliinta, taas oo ka caawisa in gutaan shaqadooda , maxaa yeelay insuliintu waxa ay carisaa maskaxda si ay maskaxdu u hesho shidaal, waxa kale oo ay unugyada ka caawisaa in ay koraan oo ay u shaqeeyaan si habboon .  Waxa uu dheecankan insuliintu masuul ka yahay amateed-keena iyo sida aynnu u isticmaalaysno tamarta ( cunta cunista ka dib ) ; Tusaale ahaan , marka ay maskaxdu dareento inuliinta oo jidhka ku sii badanaysa , amateedkeenuna wuu yaraanayaa,  intaas waxa dheer iyada oo ay sabab u tahay shaqada badan ee ay insuliin maskaxda ka qabato insullintu waxa ay faro-gelin ku samaysaa dheecaano badan.

Haddii aynnu hore ugu socono mawduuceena, insuliintu waxa ay muhiiim u tahay hanaanka uu qofku wax u baranayo iyo sida wax loo xusuusto, maxaa yeelay , tijaabo cilmiyeed oo layaab leh ayaa lagu sameeyay jiirar  , jiirarka qaar baa lahaa nooca koowaad ee macaanka , sidaas awgeed jiirkaasi may  lahayn wax insuliin ah , ka dib jiirarka  waxa lagu tababobarayay dariiq isku soo noq-noqda oo ay dhexmarayaan , iyadaa oo looga baahnaa in ay mar walba maraan dariiqa saxda ah ee lagu tabobaray, balse nasiib daro jiirarkii qabay macaanka nooca koowaad ama bilaa insuliinta ahaa way ku fashilmeen tijaabadan , wayna garan waayeen dariiqii lagu tabobaray. Sidaa awgeed , insuliintu waxa ay door laxaad leh ka qaadataa habka barashada iyo xusuusta xayawaanka.

 

Dhammaan kuwani waxay ina tusayeen muhiimadda ay insuliin u leedahay in ay maskaxdu si caadi ah u shaqayso , laakiin, dhibaatooyin ayaa ka dhalanaya marka uu qofku leeyahay insuliin siyaado ah ama marka ay maskaxdu awoodi weydo in ay ka jawaabto insuliinta, si kale haddii aan u dhigno, dhibaato ayaa maskaxda soo gaadhaysa marka uu jiro insuliin caabbis.

 

Marka aynnu ka hadlayno insuliin caabbiska, waxa loo leexin karaa in insuliin caabbisku uu saameyo nudo tiro yar oo ah sida muruqyada iyo beerka oo keli ahi in ay noqon karaan qaar insuliin caabbis kus ugan , balsé cilmi-baadheyaal badani waxa ay xaqiiqsadeen in insuliin caabbisku uu maskaxda kaga badan yahay dhammaan xubnaha kale ee jidhka. Intaas waxa dheer, qaabka ay maskaxdu u samaysan tahay ayaa ah mid u baahan in insuliintu ay ahaato heerkii caadiga ahaa, laakiin haddii maskaxda ay ku timaaddo insuliin caabbin soo joogtowda muddo dheeri waxa ay keenaysaa in qaab-dulleed ahaan ay maskaxdu isbeddesho.

 

Cilmi-baadhis dhowaan la shaaciyey ayaa lagu caddeeyay in kiis kasta oo ahaa mid taban sanno insuliin caabbis ku sugnaa, masaxdiisu ay da’ ahaan ay u muuqatay in ay labo sanno ka da’ weyn tahay qofkii ay isku da’da ahaayeen ee aan lahayn isnuliin caabbiska, caqabadda ugu weyn ee tan ka dhalan kartaana waa in maxkaxdu ay noqn karto mid talax gabtay.  Sidoo kale in insuliinta ay maskxadu ka jawaabi weydaa waxa ay inagu keenaysaa in aynnu cunto badan isticmaalno, taasina waxa ay inagu hagaysa in miisanka jidhkeenu noqdo mid xad dhaaf ah , waxaana suurta gal ah in xusuusteenu ay noqonoto mid aad u gaaban , waxaana intaas sii dheer , waxa ay dhaawac gaadhsiinaysaa xusuusta fog , qofkuna wax badan xusuusan maayo wuuna ilowshiiyo badanayaa.

 

Haddaba, xidhiidhkan ka dhexeeya insuliinta iyo maskaxdu wuxuu noqon karaa mid khalkhal gelin kara caafimaadkeena iyo awooddeena aynnu ku noolaan lahayn nolol caafimaad qabta.  Intaas oo kele ah kuma koobna, maxaa yeelay insuliin caabbisku wuxuu culeysiyaa ama uu dhaawac u geystaa maskaxda qaabdhismeedkeeda iyo sida ay u shaqayso oo dhan, waxayna u hor-seeddaa in uu qofku qaaado xanuuno badan oo ah kuwa maskaxda ku dhaca.

Si kastaba ha ahaatee, cutubkan waxa aynnu is qoto dheer ugu eegaynaa xidhiidhka ka dhexeeya insuliinta, maskaxda iyo dhammanba habdhiska dareen wadka dhexe, waxaana aynnu ku bilaabayna ka ugu caansan oo ah xanuunka asaasaqa.

Fahanka Cusub Ee Asaasaqa

Inkasta oo aynnu soo arragnay sida uu insuliin caabbisku uu u yahay xanuun ka mid ah  ah kuwa maskaxda waxyeeleeya ,  waxa imikana aynnu eegaynaa asaasaqa ( Xanuun ku dhaca xusuusta iyo garashada qofka ) . Xanuunkani mararka qaar waxa uu hoos tagaa daladda xanuunada ee afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo “demnesia” oo ah xusuus-lan’aan balse , asaasaqu sidaas ma aha wuuna ka duwan oo waxaa uu khalkhalinayaa, haddalka , hab-fikirka iyo xusuusta qofka.

 

Intaa waxa dheer, weli si dhab ah looma fahmin sababaha keena iyo waxa uu yahay xanuunka asaasaqu, si u dhiganta sidaas oo kalena awood uma lihin in aynnu ka hor-tagno ama daweyno , taasina waxay keentay in uu noqdo midka ugu korodkhka badan xanuunada hadhiska dareen-wadka ku dhaca, wuxuuna xanuunada ilowshiiyaha la xidhiidha ka yahay boqlkiba sideetan (80% ) .Heer adduun  waxaa wakhti xaadirkan la dhiban illaa soddon milyan oo qof ,si lamid ah sidaas , tiiyoo ay sabab u yihiin isbeddeladu waxa la filayaa in dakaasi ay sii laba jibaarmi doonaan labaatankii sanno ee kasta.

 

Ka sekow, tiro ahaan ama celcelis ahaan, weli caadi uma  fahansanin  daaweyntiisa iyo sida loo ogaan karo–iyada haba sheegin ka hor tag. Xaqiiqada jirtaa waxa ay tahay, fahanka aynnu u leenahay xanuunkani weli ma cadda ama waxa ku jira mugdi .Marka  keli ah  ee aynu ogaan karno  xanuunkani waa marka ay maskaxdu dhiamato. Waxa keliya ee sii caddaanayaa  wuxuu yahay in insuliin caabbisku uu saamayn ku leeyahay xanuunkan asaasaqa magaciisa cusubna uu noqon karo nooca saddexaad ee macaanka.

 

 

 

 

Waxa xiiso leh, in dhkhaatiirta iyo saynisyanadu ay aqoon dheeraad u yeelanayeen xidhiidhka ka dhexeeya isnuliin caabbiska  iyo asaasaqa labataneeyodii sanno ee u dambeeyay, laakiin wuxuun oo loo malaynayay in habdhaqanka bukaanada uu haleelay xanuunka asaasaqu uu yahay mid khaldan. Si kale haddii aan u idhaahdo, saynisyahanadu waxa ay u malaynayeen xilliyadii hore in sababtan dadka asaasaqay ay insuliin caabbiska u yeelanayaan ay tahay natiijo ka dhalatay jimicsi la’aan ama fadhigooda faraha badan.

 

Intaas waxa aan ku sii xoojinayaa, su’aalo badan oo la iska weydiiyay arrintan ayaa caddeeyay, in marxaladdaha hore oo dhan , dadka asaasaqay ay jidh-ahaan jimicsiga ama hawlaha oo dhan  kala siman yihiin kuwa aan asaasaqin , laakiin haddana ay ka insuliin caabbis baddan yihiin. Caddaynahaas oo dhan ka dib, marba marka ka dambaysa xidhiidhkan ka dhexeeya insuliin caabbiska iyo asaasaqu wuxuu noqononayaa mid aan la iska indho tiri  karin.

 

Asaasaqu waa xanuun khatar ah kaasoo ku lug leh habab aynaan garanaynin ama ka war haynin. Si kastaba ha ahaatee, xilliyadii hore cilmi baadhisihii lagu sameeyay xanuunkan oo dhammi waxa ay ka sinaayeen fikarado ah in ay jiraan laba astaamood oo ah murugsani iyo kala xidhan ka dhex jira maskxada.

 

Haddaba arragtidan kore ee asaasaqu waxa ay ina odhanysaa maskaxda ayaa ururisa kala xidheyaal ka samaysan amiloydh-kii labada beebteydh lahaa , amiloodhisku waa booratiino uu jidhku soo daayo caadi ahaan , marka ay is biirbiisadaan waxa ay sameeyaan kala xidhan waxayna qalindaari karaan shaqadii maskaxda ee caadiga ahayd , oo ay ku jiraan xusuusta, qiirada iyo dareenka , fariimaha, iyo barashaduba.

 

Sidaas awgeed, kala xidhistaasi aad ayay khatar u yihiin , maskaxdeenuna waxay leedahay hab ay kaga hor-tagto in kala-xidhankaasi samaysmo, waxaana ay maskaxdu adeegsataa abo-libobooratiinnada E (APOE), libobooratiinisku waxay ay qabtaan shaqooyiin aad u tiro badan, oo ay ka qabtaan jidhka .

Maskaxda shaqada ugu badan ee ay ka dhex qabtaan waa in ay kolesteroolka lagama maarmaanka ah gaadhsiiyaan habdhiska dareen wadka, sidoo kale waa in ay burburiyaan dhammaan kala xidhanka  ka samaysmaya maskaxda dhexdeeda, waana marka ay caaadi u shaqaynayaan .

Saddexda nooc ee ugu caansan libobooratiinada mid ka mid ah ayuun buu qofku hiddo ahaan u lahaan karaa , si kastaba ha ahaatee boqolkiba shan iyo toban dadaka ka mid ahi (15%) waxa ay leeyihiin nooca loo yaqaanno abalibobooratiinka afraad (APOE4) , kaas oo ku fashilma in uu guto shaqadiisa ah in uu ka hor-tago ama la dagaalamo kala xidhanka maskaxda , sidaas darted dadka leh libobooratiinkan afraad waxa ay toban jeer illaa soddon jeer halis ugu jiraan in ay qaadaan asaasaqa xilliga ay  da’doodu tahay toddobaataneeyada, maxaa yeelay mar la dersay sababaha keena cudurkan asaasaqa waxa ay sababta koowaad noqotay in qofku u yeesho abalibobooratiinkan afraad , taasoo kaalin laxaad leh ka qaadata horumarka xanuunkan.

 

Tusaal ahaan , koox cilmi-baadheyaal ah oo reer Finland ah ayaa sameeyay daraasad lagu ogaanayay qodobada dabada ka riixaya in uu qofku asaasaqo , taasoo xogta laga soo uruuriyay dad aad u tiro badan. Waxa wax lala yaabo noqotay, in uu booratiinkani noqday mid aad u suurto gelin kara asaasaqa , wuxayna xoogganaanta xogtan ku tilmaameen p=0.0001 ( p=0.0001 , waxay tiradani xaqiijinaysaa heerka xoogganaanta xogta ) , qodobbada kale ee muhiimka ah waxaa ka mid ahaa da’da ( p=0,005) iyo heerka wax barashada ( p=.002) (waxa faa’iido qofku ka helayaa in uu wax barto si uu caafimaadkiisa guud u noqdo mid hagaagsan , maskax ahaanna wuxuu noqonayaa mid firfircoon ) , kuwa labaad ee celclis ahaan ugu khatarta badan ayaa ah caddaadiska dhiigga  oo ah mid aad u hooseeya (p=.31) , jiritaanka falliiga (p=.59) iyo weliba  sigaar cabbista (p=.47) , waxa intaas sii dheer insuliinta badan  ( p=.0005) .

 

Taasi waa  xaiiq , insuliintaada xad dhaafka ahi in ay xiitaa ka saamayn badan tahay da’da qofka marka ay sababayso asaasaqa. Waxa layaab leh, in calaamad kasta oo ay daraasaddani ku sheegtay insuliin caabbisku ay tahay mid keeni karta xanuunka asaasaqa, waxaana ka mid ah sonkorta badan ee dhiigga ku jirta iyo insuliintuba.

 

Insuliintu waxa ay si toos ah gacan uga geysataa in uu kala-xdihan samaysano. Daraasado kale oo ka mid ah kuwan lagu darsayo xaaladdan, ayay koox cilmi baadheyaal ahi ku mudeen insuliin qof waayeel ah oo marka hore caafimaad qabay. Ka dib waxa ay ogaadeen xaaladda kusoo boodada ah ee inusliintu in ay kordhiso amloydhyada labada bebtedh leh. Nasiib wanaag, soo saarista booratiinkani markan aad uma kordhiso khatarta xanuunka asaasaqa.

 

Marka ay asaasaqa keenaysaa  , waa marka uu booratiinkani ku bato meelaha u dhexeeya dhambaal –wadeyaasha maskaxada , laakiin loogama jeedo dhambaal wadeyaasha gudahooda hoose , waxaana hubaal ah in insuliintu kordhiso amloydhiska laga soo daayo unugyada maskaxda , sidoo kale ay kordhiso in ay ku biirto ama ku ururuto dibedda iyo gudaha neerfeyaashaba.

 

Khalkhal ku yimaadda neerfayaasha ayaa isna astaan u noqon kara xanuunka asaasaqa, sidoo kale booratiika “Tau” ayaa ka qaybqaata sidii loo joogtayn lahaa qaabdhismeedka neerfayaasha  , sidaas awgeed ,  marka uu xanuunkan asaasaqu yimaaddo waxa kale oo khalkhal  ku dhacaa booratiinkan dambe ,wuxuuna horseedaa in ay sii khalkhalaan ama kala xidhmaan dhambaalada ay nerfeyaashu isu dirayeen. Xitaa halkan marka ay xaaladdu marayso insuliinta ayaa door ku leh , insuliintu marka ay caadiga tahay waxa ay fariiin u dirtaa maskaxda si ay u joojiso ama u xanibto booratiinaka”Tau” , sidaas si ka duwan , marka insuliin caabbis yimaddo ama insuliintu khalkhasho waxa si xad-dhaaf ah u shaqeeya booratiinka “Tau” kaas oo sida aynnu sheegnay horseedi kara khalkhal ku dhaca neerfeyaasha.

 

Xaqiidan aynnu halkan ku sheegnay waxaynnu ku taageernay laba arrimood oo kala ah amloydhka lababada  bebtedh lihi kala xidhanka uu keenno iyo khalkhalka neerfisyada ku yimaadda, balse way adagtahay in la rumaysto in ay jiraan arragtiyo kale oo sharaxaya xanuunkani sida uu ku aas-aasmo. Laakiin , daraasado dhowaan sooo bax ah waxa lagu ogaaday in dad waayeel ah oo leh kala-xidhan maskaxeed  iyo khalkhal neerfisyada ku yimi aanay lahayn astaamihii lagu garan jirey asaasaqa – waxaana taasi inoo caddaynyasaa in iy jiri karaan sababo kale , waxayna u baahan tahay in dhinaca  kale laga istaago.

Arragti  kale oo ka duwan sidan ayaa j tilmaamaysa isbedelka ku yimaada maskaxdu hanaanka ay cuntadeeda u diryaarsato,( insuliintu weli door ayay ku leedahay ) , maskaxdu waxa ay si xooggan u dalbataa tamar, wayna ka dalab badan tahay jidhka intiisa kale , waana midka ugu badan ee cunto u diyaarsada si joogta ah ( xitaa inta muruyada way ka dalab badan tahay  ) sidoo kale aad ayay uga digtoonaataa in in tamartu ku yaraato, waana matoorka aad uga dayriya  in shidaalka jidhku hoos u dhaco.

 

Maskaxda qofku waa quud ku nool, waxayna  isticmaashaa cuntooyin kala jaad-jaad ah, boqolkiiba boqol (100%) cuntadeeda ka mid ah waxa ay ka heshaa sonkorta ,balse waxaa dhibaato u gaysan kara sonkorta oo badata ama yaraataba( intaa wixii dheer waxay ka heshaa wax la yidhaahdo Kiinootis oo aynnu dib ka sheegi doono ) . Caadi ahaan cuntada reer galbeedka, ama kuwa aynnu cunno’ba waa kuwa keena in maskaxda iyo dhammaan qaybaha kale ee jidhka la quudiyo. Ku tiir-sanidaas sonkorta ee faraha badanina waa midka khatarka horseedaysa, maxaa yeelay maskaxdu marka ay awoodi weydo in ay hesho sonkor ku filan waxay horseedaysaa asaasaq.

 

Intaa waxa dheer, sida muruqyada jidkeena oo kale, insuliintu waxa ay sahashaa in sonkortu gaadho dhanka maskaxda. Si kasstaba ha ahaatee, haddii maskaxdu noqoto mid insuliin caabbis yeelata, waxa yaraanaysa awoodeedii ay ku heli lahayd sonkor ku filan si ay u hesho tamarta ay u baahan tahay, markasta oo matoorkan maskaxdu uu shidaal waayo  , si fiican uma shaqynayso maskaxdu.  Xaaladdan waxa loo yaqaanaa “sonkor gubid yari” , markasta oo ay sii korodhana waa markasta oo uu qofku asaasaqi karo.

 

Hoos u dhacani wuxuu noqonayaa, mid isku xidhiidhsan: in insuliinta maskaxdu ay ku badato ayaa keenaysa,  in maskaxdu sonkor yar hesho , ugu dambayna in tamar la’aan ay maskaxdu la kulanto ayaa imanaysa , oo shaqadeediina hoos ayay u dhacaysaa tamr la’aanta awgeed   .

Waxa aynnu aad diiradda u saarnay in aynnu ogaanno wax badan oo ku saabsan asaasaqa isla markaana aynnaan ogeyn markii hore , in kastoo ay jireen arragtiyo badan oo aynnu kor ku xusnay , sida kuwii sheegayay kala-xdidhanka maskaxda , waxaa aynnu kusoo kordhinay qodob muhiim ah oo la xidhiidha insuliinta iyo cunto samaynta maskaxda , kaasoo door laxaad leh ka qaadan kara ogaanshaha iyo daaweyntaba . Si kastaba ha ahaatee, insuliin caabbisku halkaas kuma joogsanayo, waxaana uu qayb ka yahay xitaa xanuunada kale ee xusuus la’aanta.

 

Xusuus L’aan  La Xidhiidha Xididdada  

Marka laga yimaaddo xanuunka asaasaqa, xusuus darrada  la xidhiidha xidaddadu waa midka labaad ee ugu caansan xanuunada xusuus la’aanta, astaamihiisu aad ayay ula mid yihiin kuwa asaasaqa. Sidiisaba xanuunkan xusuus la’aanta xididdada la xidhiidhaa wuxuu ku yimaada natiijo ka dhalay qulqulka dhiigga maskaxda oo yaraada. Lakiin laba xanuun oo kale ayaa ku sii xidhan , ka kowaad,  waa marka uu jiro kala xidhan kaas oo wax yeelo u geysan kara dhuumaha dhiidha ee maskaxda , ka labaadna waa xanuunka asaasaqa oo sii sababi kara in xusuus la’aanta la xidhiidha xididdadu ay soo horumarto (samaysanto) .

Dib hadii aynnu isu xanuusino xanuunadii ku dhacayay habdhiska dhiigwareega ee aynnu ku soo sheegany cutubkii hore, waxa aynnu soo arragany in insuliin caabbisku uu wayeelo u geysto dhuumaha dhiigga iyo sida ay u shaqeeyaan, sidaas awgeed waxa aad filaysaa in uu xidhiidh ka dhexeeyo insuliin caabbiska iyo xusuus la’aanta ay xididdadu keenaan.

 

Barnaamij lagu magacaabis jirey “HAAS” oo diirada lagu saari jirey baadhitaanada la xidhiidha xanuunada dareen wadka ku dhaca, oo lagu baadhay in ka badan toban kun oo qof oo da’doodu ka weyn tahay 20 jir, ayaa waxa ay ogaadeen in marka uu qofku leeyahay insuliin caabbis uu laba jeer uga khatar  badan yahay ka aan lahayn insuliin caabbis in uu qaado xusuus la’aanta la xidhiidha xididdada. Tani waxa ay aad ugu egtahay in ay sabab u yihiin qodobadii  aynu soo sheegnay ee ahaa xidhiidhkii ka dhexeeyay , dhiig karka , ogsajiintii la soo saarayay , gidaarradii qarada yeelanayay ee dhuumaha dhiigga ee aynu ku sheegnay cutubka labaad. Waxaana suurto gal ah, in hanaaankani haddii aanu wadne xanuun horseedin, uu sidoo kale horseedi karo xusuus la’aan la xidhiidha xididdada.

Xanuunka Shaalka

Xanuunka Shaalku waa xanuun ka mid ah xanuunada maskaxda ku dhaca kaas oo isbeddel ku sameeyaa awooda u bukaanku ku maamuli karo dhaqdhaqaaqa jidhkiisa.Calaamadahiisa ugu caansana waxaa ka mid ah dhaq-dhaqaaqa oo yaraada, adimada oo qalafa, iyo dhaqdhaqaaqyo aanu qofku masuul ka ahayn, waxa uu sidoo kale horseedi karaa isku-buuqsanaan, hurdo-la’aan , daal, iyo garashada oo isbeddesha.

Intaa waxa dheer lixdan kun oo qof ayaa sannad kasta lagu ogaadaa xanuunkan shaalka, balse waxa aynnaan weli fahan buuxa ka haysanin sababaha keenaya, mana hayno hab caalami ah oo aynnu uga hor-tagno ama u daweyno. Dadka ugu badan ee leh shaalku waxa ay leeyihiin xusuus-lun, waanay sii korodhsaa marka uu cudurku sii kordhoba. Astaanta ugu weyn ee xusuus la’aantani lagu garan karaa waa tirada booratiinada maskada ee “Lewy bodies” ka loo yaqaano oo korodha , balse marka ay xaaladdu si darnaataba waxa yaraata soo saarista maadada dhoobamiin.

 

Intaas waxa dheer , shaalku waxa uu ka dhex aas-aas maa qayb yar oo maskada ka mid ah o loo yaqaano miisaanka naygaraha( qaab dhismeed maskxada dhexe ka mid ah kaas oo maamula dhaqdhaqaaqa iyo dhiirigelinta dhaqaaqa) , ka dib , unugyada  soo saara  maadada dhoobamiintu  marka ay dhintaan , waxa ay saamaynayaan dhaqdhaqaaqa jidhka.

 

Si ka duwan sidaas , haddii aynu fahanka soo dhawayno , waxa la ogaaday in insuliintu ay beddesho dhoobamiinta maskaxda , taasoo ina tusaysa xidhiidh toos ah oo ka dhexeeya insuliinta iyo shaalka. Intaas waxa dheer, daraasad ayaa xaqiijisay  jiir laga yareeyay insuliinta in maadadiisa dhoobamiin ay korodhay boqlkiiba shan iyo soddon (35%) , daraasad kale oo dadka lagu sameeyayna sidan si u dhow waxa ay xaqiijisay in dadka insuliintu ku badan tahay ama insuliin caabbiska leh ay yartahay dhoobamiinta maskaxdoodu.

 

Sidaas awgeed, wada-xaajoodka ka dhexeeya shaalka iyo insuliintu  waa in insuliintu ay ku lug leedahay soo saarista dhoobamiinta, ereyo kale haddii aynnu ku cabbirno marka isbeddel ku yimaaddo isnuliinta waxa uu isbeddel ku imanyaa dhoobamiinta , laakiin daraasado kalena waxa ay shaaciyeen sidan sida ku lidka ah  , oo ah  in haddii dhoobamiinta isbeddel ku yimaaddaa uu isbeddel ku imanayo insuliintana.

 

Marka la eego, xaaladda jiirka iyo dadka ku xusan daraasaddahan kore , waxa ina tusaynaa in markasta oo insuliintu dhoobamiinta ka shaqaysiin karto , waa markasta oo uu hanaankan maskaxdu cuntada iyo tamarta u helaysaa hagaago, sidoo kale marka oo uu ciladdoobo hanaankan fariin wadaaguna waa markasta oo uu insuliin caabbisku sare u kaco . Caddaymo badan oo dadka lagu arkay ayaa jira, dawooyinka waalida qaar ka mid ah ayaa xaniba dhoobamiinta, sidaas awgeed waxa ay keenaan in insuliin caabbis la qaado oo uu qofka miisaankiisu ku  kordho. Dhab ahaantii, boqlkiiba afartan ka mid ah dadka qaaatay dawooyinka waalidu waxa ay khatar ugu jiraaan in ay qaadaan nooca labaad ee macaanka muddo shan sanno ah gudaheed ah, laakiin marka uu qofku joojiyo qaadasha dawadan insuliin caabbisku wuxuu ku baabi’i karaa muddo wiigag gudahood ah.

Tiyoo aan loo eegin qodobada sida tooska ah iskugu xidha inusliinta iyo shaalka , waxa jira midow cad oo ka dhexeeya . Illaa 30%ka mid ah dadka leh xanuunka shaalku waxa ay leeyihiin nooca labaad ee macaanka, sidoo kale illaa 80% ka mid ah bukaanadaasina waxa ay leeyihiin insuliin caabbis ( ama wadadadii macaanka ayay hayaan )

Xanuunka Dhanjafka

Kani waaa mid ka mid ka mid ah kuwa ugu caansan xanuunada dareen-wadka ku dhaca. Dhanjafku wuxuu sidoo kale hayaa boqolkiiba 18% ka mid ah dadka qaan-gaadhka ah ee ku dhaqan maraykanka. Daraasad lagu sameeyay haweenka da’da dhexe ah ayaa lagu ogaaday in kuwa leh insuliin cabbisku ay laba jeer uga halis badan yihiin ama khatar ugu jiraan dhanjafka marka loo eego kuwa aan lahayn insuliin caabbiska. Intaas waxa dheer, daraasaddo badan oo xilliyo ka gedisan la sameeyay oo lagu eegayay raga iyo dumarkaba ayaa shaacinaya in dadka dhanjafka lihi ay leeyihiin insuliin badan marka loo eego kuwa aan lahayn dhanjafka.

Haddii aynu tan si kale u dhigno , mar dawooyin insuliinta hoos u dhigaya la siiyay in ka badan kala badh koox ka koobnayd 32 qof  oo leh dhanjaf , waxay dareemeen in xanuunkii uu hoos uga dhacay. Sidii asaasaqa oo kale, xanuunkan dhanjafku wuxuu noqon karaa mid ka yimi shidaal yari maskaxda ku timid, maxaa yeelay marka aanay insuliintu si fiican u shaqaynaynin sonkortu magaadhayso maskaxda.

 

 

Neerfe-qalalka

Imika waxa aynnu ka soo haddalnay sida uu insuliin caabisku ula xidhiidho maskaxda shaqadeeda ,waxaana aad u muhiim ah in aad xusuusnaato maskaxdu in ay ka kooban tahay xidh-mooyin neerfeyaal ah, neerfeyaashaasina ay la shaqeeyaan neerfeyaal kale oo jidhka ka mid ah. Sida neerfeyaasha ku jira markasxda dhexdeeda oo kale , kuwa ka baxasana wuu saamayn karaa insuliin caabbisku. Haddii neerfe dhaawacan yahay qof leh macaan, waxa aan lagu garan waayin gubasho iyo jidhiidhico badan oo lugaha ah, waxaana loo arkaa in ay tusaale yaal cad u yihiin dadka qaba nooca labaad ee macaanka.

Sidooo kale , neerfe qalalkan iyo macaankan isku xidhan ,gaar ahaan macaanka nooca labaad ,  waxa in badan loo arkayay in ay tahay natiijo ka dhalatay sonkorta badan. Balse, dhowaanahan aad baa loo laf-gurey arrintan, hase ahatee waa shaki la’aan in sonkoorta badani ay keeni karto neerfe qalal , laakiin dhibku wuxuu u muuqdaa in uu soo billaabmay ka hor intii aanay sonkorta dhiiggu isbeddelin ama kordhin , waana lagama maarmaan sabab kale oo aan ahayn sonkorta.

Dhab ahaantii, sababtaasi waa insuliin caabbiska , maxaa yeelay neerfeyaashu sida unugyada kale ee jidhu uga jawaabaan insuliinta ayay uga jawaabaan , taasina waxa ay go’aamisaa sida loo isticmaalayo tamarta . Markasta oo uu neerfuhu noqdo mid insuliin caabbis ah , waa markasta oo laga tanaasulo awooddii uu ku shaqayn lahaa, sidaasna waxa ku yimaadda neerfe-qalal.

 

Waxay aynnu ognahay in insuliin ay xidhiidh la leedahay dhammaan xanuunada soo jiitama, sidoo kale , maskaxdu waxa ay u baahan tahay tamar badan oo ay ku shaqayso , waxaana taas lagama maarmaan u ah in la helo shidaaal ama cunto. Marka ay maskxadu noqoto mid insuliin caabbis ah , helista shidaalku way yaraanaysaa , taasina waxa ay keenaysaa xanuun. Haddal iyo dhamman , waxa aynnu fahanay , dhammaan doorarka ay insuliintu ka ciyaarto habdhiska dareen wadka dhexe, waxa ay saamaysaa amateedka, xusuusta , dhoobamiinta, iyo kuwo kale oo badan. Waxaynu ku soo afmeeri karnaa in maskaxda caafimaadka qabtaa ay u baahan tahay, insuliin dhexdhexaad ah, insuliintuna door muhiim ah ayay ka qaadataa caafimaadka maskaxda iyo jidhka oo dhanba iyada oo raacaysa xaaladaha aynnu kor ku sheegnay.

WT: Khalid Curaagte

 WQ: Dr. Benjamin