Faafista Qarsoodiga Ah Ee Asalka U Ah Cudurrada Soo Jiitama Iyo Sida Loola Dagaalamo Q.1aad, cutubka labaad (WT: Khalid Curaagte

xuquuqda sawirka Harvard

Qaybta: Koowaad

(Cutubka: Labaad )

 

Wadne xanuunku waa midka hoggaaminaya sababaha dadka adduunku dhaqani ay u geeriyoodaan, celcelis ahaan in ka badan boqolkiiba soddon ayuu ka yahay (30%) dhimashada la xidhiidha xanuunada. Dabiiciyan wadne xanuunku waa cudur dillaa ah oo aad u khatar badan , waxaana ka taagan doodo aad u badan sababaha keena wadne xanuunka. Balse, dambiileyaasha loo aaneeyo in ay keenaan wadne xanuunka waxa ka mid ah cabbista sigaarka , khamriga, kolestraroolka , jimicsi la’aanta iyo baruurta faraha badan ee jidhka.

 

Lakiin , weli lagama eegin xaga  insuliin caabbiska . Insuliin caaabbiska iyo xanuunada habdhiska dhiig wareegga ku dhacaa waa laba aan la kala saari karin. Mid ka mid ah dhakhaatiirtii hore uga hadashay (Joseph Kraft) ayaa wax badan ka qorey fahanka insuliin caabbiska, wuxuuna si si dhab ah u shaaciyey “ kuwa leh xanuunnada habdhiska dhiig wareega ee aan laga helin macaanku in ay yihiin (kuwo ku sugan insuliin caabbis ) aan la baadhin,” , si fudud markaynu u sheegno, halka mid laga helo ka kalena waad ka helaysaa, sidaa awgeed , xidhiidhkoodani waa mid aad u xooggan.

 

Wakhti xaadirkan, marka aynnu leenahay ereyga “wadne xanuun “uma jeedno hal xanuun oo keli ah; wadne xanuunka iyo xanuunada kale ee ku dhaca habdhiska dhiig wareegu  waa magac daladeed guud oo sheegaya  xaaladdo badan oo saameeya wadneheena iyo marinka dhiigga jidhkeenna. Sidaa daraadeed, “wadne xanuun” waxaynnu ku tilmaami karnaa cadaadiska dhiigga oo kor u kaca , muruqyada wadnaha oo qaro weyn yeehsha, xiddiddada oo xidhma amaba xaalad kale . Dhammaantood iyaga oo faahfaahsan waxa aynnu ku arki doonaa mawduucyada hoose .

Dhiig Karka

In qofku uu yeesho dhiig kar ama cadaadiska dhiiggiisa oo noqda mid xadkii caadiga ahaa ka baxasan, waxay keentaa wadne xanuun, maxaa yeelay mar kasta oo cadaadiska dhiiggaagu kordho waxa kordhaya baaxadda weelka dhiigga (Xididdada ama dhuumaha kale ee dhiigga  ) , ka dib wadnahaagu waa in uu si adag u shaqeeyo si uu dhammaan jidhka iyo nudaha u gaadhsiiyo dhiigga ay u baahan yihiin, wadnahana tani waxa ay ku noqonaysaa caqabad, haddii aan la daweynnina waxa ay keenaysaa in uu wadnuhu talax gabo.

 

Haddaba , doodi kama taagna : in insiliin caabbiska iyo  dhiig karku ay xidhiidh leeyihiin, maxaa yeelay marka uu qof bukaan ahi leeyahay labadaba , taas ayaa  caddayn inoogu filan xidhiidhka ka dhexaaya labadooda , sidoo kale dhammaan dadka dhiig karka lihi waxay leeyihiin insuliin caabbis. Tani maaha war ku socda xirfadleyaasha caafimaadka , laakiin waxa ay muhiimadu tahay in aanay si toos ah isugu xidhnayn labadoodu; waxaana aynnu soo fahmaynaa in insuliin caabbinta iyo heerka insuliinta saraysaa ay yihiin kuwa  sababa dhiig karka.

 

Haddii aad dib u xusuusato hore waxa aynnu u soo sheegnay dhammaan dadka ugu badan ee insuliin caabbiska leh , ma oga in ay leeyihiin. Haddii qof laga helo dhiig kar ama lagu ogaado in uu leeyahay dhiig kar , waxa laga yaabaa in ay tahay caddaynta koobaad ee sheegaysa in uu leeyahay insuliin caabbis. Lakiin, haddii lagaa helo xanuunka dhiig karka, weli waxaad leedhay rejo.  Haa – , xidhiidka ka dhexeeya insuliin caabbiska iyo dhiig karku wuu xooggan yahay, balse taas macnaheedu waxa weeye insuliin caabbisku wuu wanaajiyaa xaalaadda, bukaanaaduna waxa ay dareemaan in xaaladda dhiig karkoodu soo hagaagayso ama ay ka soo raynayaan. Si ka duwan sidaas , sannado badan ka dib waxa aynnu ogaanay sida insuliin caabbiska iyo insuliinta badani ay u kordhin karaan dhiig karka.

 

Dib u Celinta Cusbada iyo Biyaha

Si ka mid ah siyaabaha  ay isnuliintu u kordhiso cadaadiska dhiiga ay ah mid ku salaysan dheecaanka aldosteroonka, badanaana lagama faallloodo doorka caafimaad ee uu dheecaankani u leeyahay caafimaadka wadnaha.  Ugu hureyn dheecaankan waxa soo dhiiqa qandhijadhada adrinaalka ee ku yaala kelyaha korkooda wuxuuna masuul ka yahay in uu isku miisaamo heerka cusbada iyo biyaha ee jidhkaaga ku jirta. Labada nooc ee cusbada ee loo kala yaqaano sodhiyamta iyo cloraydhku waa dab-dhaliyeyaal ku jira jidhkeena oo awood u siiya in unug yada jidku shaqadooda u gutaan si hufan . Aldosteroonku wuxuu kelyaha u diraa fariin ah in ay sodhiyamta dib u nuugaan oo ay raaciyaan dhiiga, sidaas awgeed sowdhiyamta lama raaciyo kaadida . Ba;se, haddii qanjidhada adrinaalku ay dhiiga ku soo daayaan xaddi badan oo aldosteroon ah  , jidhku wuxuu helayaa xaddi badan oo sowdhiyam ah , waxayna keenaysaa in sidoo kale xadiga biyaha dhiigga ku jiraa kordo , waxaa sidaasna kor u kacaya xaddiigii dhiiga ama mugga dhiigga wuxuuna noqonayaa mid cadaadiskiisu kacsan yahay .

 

In taas waxa dheer , insuliintuna waxa ay kordhisaa heerka aldosteroonka ee jidhka ku jira , taas micnaheedu waxa weeye , marka insuliin badan ay jidhkaaga ku jirto ama xilliga insuliin caabisku jiro waxa aldersoonkaaga ku imanaya khalkhal tiiyoo ay sabab u tahay insuliinta badan ee jidhka ku jirta. Taasina, sidii anynu isla sadarradan sare ku sheegnay, waxa ay sabababaysaa in xaddiga dhiiggaagu kordho , haddii dhiiggaaga muggiisu kordhona waxa si toos ah u kacaya cadaadiska dhiiggaaga. Haddaynu , soo koobno,  halkan waxaad aad ugaga bogatay sida uu xidhhiidh uga dhexayn karo insuliin caabbiska iyo dhiig karka .

 

Xididdada Dhiiga Oo Qaro Yeesha

Hab kale oo ay insuliinta badani u keento in dhiig kar uu qofku qaado ayaa ah in ay qaro u yeesho gidaarka xididdada dhiiga qaadda. Xididdada dhiigu waxa ay leeyihiin lakabyo badan, waxaana lakabka gudaha ugu xiga ku dahaadhan unugyada indosiliyalka (endhothelial). Xusuusnaw insuliin in ay tahay unug sameeye ama dhiseyaal oo unugyada u dirta fariin si ay u u koraan , xitaa kuwan ay fariinta u diresyo ee ay farayso in ay weynaadaan waxa ku jira unugyada indhosiliyalka.

 

Halwgalkaas insuliintu inta uu caadiga yahay waa mid loo baahanyahay oo caafid ku jiro, laakiin marka isnuliin faro badani ay dhiiga ku jirto waxa kordhaya tirada fariimaha oo sidoo kale noqonaya fariimo ka xoogweyn sidii caadiga ahayd, haddaba marka fariimahaas xoogan ee insulliintu ay kordhaanba waxa koraya ama qaro weyn yeelanaya unugyaddii indhotsiliyalka ee dahaadhka ahaa , kuswaas oo sababaya in xididdadii dhiiggu marayay ay soo dhuubtaan  marba marka ak sii dambaysa.

Bal waxaad qiyaastaa, haddii beer lagu waraabin jirey tuumbo, tuumboduna  ay maalinba maalinta ka dambaysa gudaha ka bararto , oo biyihii uu aad ugu soo durko gidaarka tuumbadu, run ahaantii biyaha socodkoodii wuu yaraanayaa , cadaadiskooduna wuu kordhayaa , sidaas si la mid ahna waxa ay xaaladdaas oo kale ku imanaysaa  xididdada jidhka , waxaana ku keenaysa insuliinta faraha badan.

 

 

Lama Balaadhin Karo Xididdada Diigga!

Mar kale waxa aad ka fikirtaa tuumbadii beerta ee biyuhu u soo marayeen, haddii aynnu balaadhino, biyuhu waxa ay noqon doonaan kuwo si diciif ah u socda oo aan lahayn wax cadaadis ah si ku liddi ah sidii hore ee aynnu tusaalaha hore ku soo qaadanay. Haddaba , dawooyin ka samaysan  Niitirik ogsaydh (NO) ayaa ah xidid balaadhiyeyaal  awood badan , waxaana lagu balaadhin karaa cabbirka dhuumaha dhiigga qaada oo dhan.

 

Sidoo kale , unugyada indhosiliyalku iyaga ayaa soo saara NO dabiici ah taas oo ka caawisa dahaadhka muruqa ah ee dhuumaha dhiigga ku dahaadhani in uu noqdo mid debecsan , sidaas oo kale waxa ay kordhisaa cabbirka gudaha ee xididdada. Xaga jidh ahaaneed marka aynnu ka eegno habkan lagu yaraynayo cadaadiska dhiiggu  waa mid dhakhso leh oo oo xooggan.

 

Si ka duwan sidaas ,waxa jira dawooyin kale oo afka laga qaato oo lagaga hor tago ama lagu maareeyo xanuunka laab-xanuunka xad dhaafka ah, tiiyoo marka la isticmaalo si dhakhso leh ay dhuumaha dhiiggu u balaadhanayaan , wadnuhuna uu kordhinayo qaabka qulqulka dhiigu u socdo, sidaas awgeed NO waxa ay muhiim u tahay caafimaadka habdhiska dhiig –wereegga oo dhan, saynisyahanadii darsey sida ay u shaqayso NO du waxa ay ku heleen abaal marinta Nobel Prize.

 

Intaas waxa dheer, insuliintu waxa ay ka sahqaysiisaa ama carisaa soo saarista unugyada indhosiliyalku ay-soo saarayaan NO, waana marka ay insiliin dhexqaadayso dhuumaha dhiigga marka ay fariinta u dirto in indhosiliyalku ay soo saaraan NO, taas oo dhuumaha ama xididdada dhiigga ka dhigaysa kuwo balaadhan,  sidoo kale qulqulka dhiiga ee goobta ay ka hawl gashay NO-tuna wuxuu noqnayaa mid sareeya. Si ka duwan sidan , tani waa hab ka mid ah hababka ay insuliin u nafaqayso unugyada iyo nudaha kala duwan ee jidhka, tusaale ahaan , marka ay insuliin kordhiso socodka ama qulqulka dhiigga iyada oo raacaysa habkan aynnu kor ku xusnay waxa ay sahlaysaa in muruqyada jidhku ay helaan nafaqo iyo hawo badan oo la socota dhiigga.

 

Si ka gedisan xanuunadii hore ee habdhiska dhiig wareegga ee aynnu ka soo haddalnay oo sheegayey in aldosteroonka iyo indhosiliyalku ayna sidii loo baahnaa ugu shaqaynin insuliin caabbiska, haddaba dhibaatadu waxa ay tahay marka isnuliin caabbisku jiro lama carinnayo ama amar ma bixinayo insuliin caabbisku kaas oo ah in indhosiliyalka laga soo saaro NO. Xaaladdan insuliin caabbisku marka ay jirto , sababta ugu weyn ee hor taagan in la soo saaro NO waa in aanay indhosiliyalku ka jawaabaynin fariinta ay insuliintu soo dirtay tiiyoo ay sabab u tahay xaddiga insuliinta oo kordhay isla markaan noqday insuliin caabbis.

 

Sidaas awgeed , halkii markii hore marka insuliintu kordoho dhuumaha dhiiggu ka balaadhaneey ee cadaadiska dhiiguna hoos uu uga dhacayey , xaalddan insiliin caabbiska , ma shaqaynayso oo wax saamayn ah insuliintu kuma laha cadaadiska dhiiga , sidaas darted dhiigu wuxuu noqonayaa mid iska sii kacsanaada. Haddii aynnu si kooban u nidhaahno, tiiyoo ay sabab u tahay insuliin caabbisku lama balaadhin karo xilligan xididdida dhiigga.

 

Xididdada Dhiigga Oo Dhhubta

Qayb kamid ah habdhiska dareen wadka baallaha ee jidhkeena oo xubno  ka mid ah jidhka ka shaqaysiiya marka ay jiraan xaaladdo inaga awood badni, wuxuu masuul ka yahay garaaca wadnaha iyo ka shaqysiinta murugyada wadnaha si loo soo tuuro dhiigga, intaas waxa dheer waxa kale oo uu maamulaa balaca xididdada, qanjidhada dhididka IWM. Caadi ahaan qaybtan dadku waxa ay u yaqaannaan in ay masuul ka tahay jawaabaha “duul ama dagaalan”-ka ah , waxayna sahashaa in in jidhku ficil sameeyo tiiyoo dhiigga la wada gaadhsiinayo dhammaan jidhka si loogga faa’iideysto sida ugu habboon,  qaybo ka mid ah jawaabitaankan waxa kor loo qaada cadaadiska dhiigga.

 

Dhanka kale markaynu ka eegno, badanka waxa aynnu ku fikirnaa in cadaadiska sarre ee dhiigu uu yahay wax xun , balse mararka aad dagaalansan tahay ama aad wax ka cararayso muhiim ayay u tahay bedbaaddaada, waana mid aad inoo caawisa maxaa yeelay waxa ay markaaba dhiiga gaadhsiisaa jidhka iyo nudaha oo dhan, gaar ahaan muruqyada. Si ka duwan sidan , tiiyoo aanay jirin xaalad kale oo wax-yeelo ku keentay insuliintu waxa ay khalkhal gelin kartaa hanaankan , waana marka aad yeelato insiliin badan ama insuliin caabbis , markasta oo isuliin caabbisku sii horumarona waa markasta oo maadadan duul ama dagaalantu aanay wax jawaab ah celin , waxaana kordhi kara caddaadiska dhiigga oo uu badan  kara sida isnuliintuba ay u kordhayso .

 

Isbeddellada Aan Caafimka Qabin Ee Ku Yimaadda Duxda Dhiigga Ku Jirta

Duxdu waa baruur ama walxo baruur ah oo ku jira dhiiggeena iyo nudaha jidhka , sidoo kale jidhkaagu wuxuu kaydiyaa baruur si uu tamar ahaan ugu isticmaalo mustaqbalka ama marka uu tamar u baahdo , waxaana baruurta marka dambe ee loo baahdo loo jejebiyaa qurubyo yar yar oo loo yaqaano “ amiino asiidh” , ka dib waxa loo sii bedelaa sonkor ahaan. Haddaba waxaa jira xaalad uu qofku yeelan karo xaddi dux ah oo aan loo baahnayn isla markaasna ku jira dhiiggiisa, caadi ahaan waxa si fudud loogu aqoonsan kara marka uu qofku leeyahay baruur badan , laakiin waxa kale oo aynu fahmaynaa in heerarka duxihiisa  kala duwani ay yihiin kuwo ka baxsan intii saxda ahayd.

 

Kuwa ugu badan duxaha aynu sheegaynaa waa tarayglisaraydh (TG), libobooratiin hooseeya (LDL)  oo ah nooc ka mid ah kolesteroolka , libobooratiin sareeya (HDL) oo nooc kolesteroolka ka mid ah. Inta badan dhakhaatiirtu waxa ay diiradda saaraan laba koleterool , waxaana qaarkood ay aaminsanyihiin LDL in ay tahay koleterool xun oo aan loo baahnayn , halka ay HDL ay ku tilmaamaan in ay tahay kolesterool wanaagsan. Waxaana jira xogo badan oo lagu taageeri karo fikraddan . Laakiin way jiraan daraasaddo badan oo kale oo sheegay sidan cagsigeeda, waxaana loo hayaa caddayn aad aad u yar arragtidan odhanaysa LDL koletretoolku waa khatar.

 

Inkasta oo la yidhaahdo LDL kolesteroololku  wuxuu yeelan karaa balac iyo miisaanno kala duwan, in la cabbiraana way sii sahlanaanysaa malinba maalinta ka dambaysa , waxa aynnu labaataneeyo sanno soo  ogeyn xarakaadka ay leedahay LDL kolesteroolkeenu,  iyo  sida ay  muhiim ugu tahay saadaalinta wadna xanuunka , markaa xaaaladdan waxa aynnu ku qeexi karnaa in ay tahay shaxan isku xidh  xidhan , waxaana jira laba rukun oo uu leeyahay hanaankani  waxaana loo soo kala qaataa A iyo B , kuwaas oo turjumaya dhammadka shaxanka.

 

“A” waxa weeye malikiyuullada LDC kolesteroolka ee balbalaadhan ee culayska yar leh , “B”duna  waxa weeye marka LDC du ay tahay mid dhumuc yar oo culays leh. Haddaba marka ay sababayso kolestrarooshu xanuunka, waa in ay ay dhiigga ka gudubto oo ay u gudubto gidaarka dhuumaha dhiiga.Sidaas awgeed , waxa khatrtan  sameeya keliya kuwa dhumucda yar ee culayska leh.

Haddii weli aanad ka dhergin sababta amaa aanay saddaradan kaaga dhex dhadhamin , aynnu samayno qiyaas caqliyeed, si fahahnku u soo dhawaado. Ka soo qaad in aad dul taagan tahay biriish uu webi hoos maro, gacantaada bidix waxa aad ku haysaa kubaddada budhka lagu ciyaaro ee cufan ama golofta, gacanta kalena waxa aad ku  haysaa kubadda gacanta lagu ciyaaro.

 

Labada kubaddood way kala balaadhan yihiin oo waxa balaadhan tan gacanta lagu ciyaaro, ka dib markii aad ku tuurtay biyaha mid ka mid ahi way quustay midna way dhex dabaalatay , oo tii cufnayd waxay tagtay sagxadda webiga tii kalena way iska dhex dabbaalatay biyaha webiga . Sidaas oo kale , “A” iyo “B” way kala balac iyo cufnaan badan yihiin waxaan cufnaan badan “B” , sidaas darted ,  B ayaa ah ah midka keena xanuunada ku dhaca dhiig wareega.

 

Qodobkaas sheegay in la ogaado balaca LDL colesteroolku , weli kuma jiro baadhitaanka caadiga ah ee dhiigga lagu sameeyo , haddii aad soo tijaabisay heerka koleteroolkaagga dhawaanahan , waxaad xuusuusan kartaa in keliya warbixinta dhakhtarku kusoo siiyay ay ku xusnaayeen  saddexda nooc ee duxdu (TG, LDL, and LDL ) . Laakiin , waxaaba cajiib ah in aynnu laba ka mid ah saddexdaas u istucmaali karno in aynnu ku ogaanno balaca LDL koleteroolka , waxaana habkan loo yaqaanaa “hab miskiin” haddii aad doonasyo in aad isticmaasho , waxaad heerka TG-da (md/dL) u qaybinsaysaa beerka HDL( iyagoo mg/dL ahaan ah ; TG/HDL) , waxa inoo soo baxaysa najiiro run ah , oo aynnu ku saadaalin karno balaca LDL koleteroolka. Haddaba haddii 2.0 ay ka hoosayso natiijadu wuu balaadhanyahay cabbirka LDL kolesteroolku , balse haddii natiijada isu qaybinta ka soo baxaday ay ka badan tahay 2.0 , cabbirka  balaca LDL kletereroolku wuu dhumuc yar yahay , sidaasna waxa suurta gal ah in ay jiraan  astaamihii B-du. Laakiin ogow, way kala duwanaan karaan cabbirrada TG iyo HDL, markaaas muhiimadu waa in qofku uu ogaado in aanu u baahnayn shaybaadh takhasus u leh in  A iyo B midkii ku badan loo sheego.

 

 

Si ka duwan siyaabahaas aynu kor faallaynay, maxaa dhici kara xalaaddan haddii ay sii dheertahay insuliin caabbis ? Insuliin waxa ay dabada ka riixdaa soo saarista koleterroolka LDL noociisa B-da ee laga soo saarayo beerka (Beerka ayaa lagu sameeyaa koleteroolka) , markasta oo heerka inusliintu kordho waa waa markasta oo uu isnuliin caabbisku kordho , sidaas awgeed beerku wuxuu helayaa fariimo ah in uu sameeyo keleterroolka LCD nooca B-da.  Haddii aan sida ugu fudud u idhaahdo, xidhiihka ka dhexeeya duxaha badan iyo cadaadiska dhiiggu waa sabab ka dhalatay duxda ku biirtay gidaarka dhuumaha dhiigga oo keeni karta in ay yarayso cabbirka ama balaca gudeed ee xididdada ama in ay xidho halbowleyaasha dhiigga qaada.

 

Halbawle-xidhanka

 

Halbawle-xidhanku waa habka saamaynsta ugu badan ku leh in ay yimaaddaan xanuunada wadnuhu, markaa jiridda ugu weyn ee baqashada aynnu ka qabno keltreolloku waa arragtidan ah in kolesterroolku keeno hawlbawle-xidhan iyo in uu soo dhuubo xidddidada dhiigga. Haddaba ,sida aynnu ku soo sheegnay mawduucyada kore ,  sida ay xanuunka ku noqonaysay kolesterroolku waxay ahayd in ay dhaafto dhiigga isla markaana u gudbto gidaarka dhuumaha dhiigga. Si kastaba ha ahaatee , xitaa koleterroolka la geynaayo indhosiliyalku maaha laf ahaanteedu waxa keenaya xanuunka, maxaa yeelay , marka ay gasho indhosiliyalka , koletereroolka iyo baruurii hore u joogtay way middoobaan ismana khilaafaan , waxaynna isula falgalaan sida ay isula fal galaan marka ay ku sugan yihiin dhammaam unug yada kale ee jidhka. Haseyeeshee, waxa laga yabaa markan in aanu falgalkoodaasi sii ahaanin mid nabdoon muddo dheer sabatoo ah  dadka qaar waxa ay kala kulmaan xaaladdo daran marka ay baruurta iyo kolesteroolku isla fal-galaan.

 

Waxa is baneeyaa albaabo hor leh marka baruurta iyo keloetraroolka isku milmay ay la falgalaan hawo (Ogasajiin) , taas oo keenta welwel aad u daran oo uu keenay hawo ka dhalatay falgalkani , marka uu welwelkani yimaadona waxa ay unug yada dhiigge ee cad-caddi isku duubban duxdii hawada dhalisay si ay hawaddaas uga xakameeyaan unugyada kale ee jidhka.

 

Unugyada dhiigga cad cad ee sahqadan qabta ayaa lagu magacaabaa “makrofages” oo ah eray Giriig ah oo macnihiisu noqonayso “ cunaagii weynaa” , waxayna liqaan dhammaan walxaha taban ee jidhka gudihiisa weerar ka geysan kara sida cudur dhaliyeyaasha . Xilli aad u dheer ka dib cunaayaasha waaweyni waxay noqonayaan qaar qaadi kari la’ culayska baruurtii ama koleteroolkii ay cuneen, unugu marka uu dux badan yeesho waxa loogu yeedhaa “foam cell” oo ah unigii xumbada ahaa , tiiyoo ay sabab u tahay in ay sida xumbada u muuqdaan marka lagu eego weyneysada.

 

Marka uu unugu noqdo mid xmbo ah wuxuu sii daayaa booratiin uu fariin ahaan u adeegsanayo si uu u dalbado koox cunayaasha waaweyn ah oo ymaadda goobta. Nasiib daro , marka ay duxda iyo unug xumbeedyadu isku milmaan waxa ay keenaan in uu xdidhmo halbowluhu ama waxa yaraada marin gudeedkii halbowlaha.

 

Khatartan waxa ku lifaaqan caqaabado badan, inskasta oo diiradda la saaro kolesteroolka , waxa aad u sax sanaan lahayd oo noqon lahayd mid xaqiiqo ku dhisan in baruuraha kale ee aan kolesteroolka ahayna la cambaareeyo , gaar ahaan baruuraha aan aadka u ribbanayn ee loo yaqaanno liinolayk (linoleic acid) oo ku caan ah saliidaha laga soo saaro iniinyaha sida saliida Soybean-ta , liinolaykta ayaa ah baruurta markasta la fal geli karta hawoda jidhka gudihiisa (Ogsajiinta) si ka dhakhso badan sida koleteroolka , dhab ahaantii marka ay kolesteroolku noqoto mid hawo leh waxaa sabab u ah liilonalyk oo ku dhegtay malikiyuul kolesterool ah. Intaas waxa dheer, waxa kale oo la xidhiidha in isnuliin caabbiskuna xidhiidh lasii  leeyahay.

 

Insuliin caabbisku wa mid ka mid ah qodobada saamsynta xoogan ku leh ama sababi kara in ay timaado khatarta halbowle-xidhanku, maxaa yeelay insluiintu waxa ay carisaa labada qodob  ee saamaynta ugu weyn ku leh xanuunkan, mid weynu fallanqaynay: doorka ay isnuliintu ku leedahay kordhinta LCD kolesteroolka noocisa B-da, oo LCD B-du wuxuu dhibaato ku keeni karaa sabab la xidhiidha baruurta, sida liinolaykta . Qodobka labaadna, waa wewelkii ka dhashay hawada oo kordhin kara insuliin caabbiska jidhka.

 

Xanuun-dareemista 

Wax yaabo badan ayaa keeni kara xanuun, sidoo kale booratiinka loo yaqaanno “Sii-riaktif”  ayaa caadi ahaan lagu saadaalin karaa xanuunada dhiigga ku dhaca ee aan ahayn kolesteroolka heerkeeda. Waxa laakiin, caajiib ah in insuliintu ay ku jawaabto ficilo xanuun baabi’in ah marka ay taagan tahay heerkii caadiga ahaa . Balse , insuliintu waxa ay keentaa xanuun ama halcasho marka uu jiro insuliin caabbis.

 

Tani waxay dhacdaa in badan, caqabadaha ay leedahay insuliin caabbintu ayay ku jiraan in ay keento halcasho ama gubasho taas oo salka ku haysa wadna xanuun soo bilaabmaya, waxayna dagaal kula jirtaa dhuumaha dhiigga oo dhan iyada oo sababysa in uu si dhakhso leh u yimaado halbawle-xidhan. Marka koowaad, insuliin caabisku wuuxuu keenaa in cadaadiska dhiiggu kor u kaco , waxaana suurrta gal ah in dhaawac la gaadhsiiso dhuumaha ama xdiddada dhiiga , marka xigana , waxay kor u qaadaa heerka duxda ee gidaarka dhuumaha dhiigga lagu kaydinayo , ugu dambayna , waxay kor dhisaa xanuunka ama halcashada , sidaas awgeedna , waxa ay horseedaysa in in kooxo badan oo cunaayaasha waaweyn ah dhiigga la soo raaciyo isla markaana ay noqdaan unugyo-xumboobay ama kuwo ka dibiray dux . Dhammaan kuwan aynnu kor ku sheegnay oo dhan mid kastaaba gaar kiisa ayuu xidhiidh ula leeyahay insuliin caabbiska, waxayna sidaas ku sababaan in halbowleyaashu xidhmaan, haddaba waxa aad u muhiim ah in aad maskaxda geliso in insuliintu ay si toos u sababi karto in unugyadu xumboobaan, tiiyoo ay dhex joogaan dhuumaha dhiigga.

 

Muuruqyada Wadnaha Oo Bukooda

Xanuunkan oo loo yaaqaanno Kaardiyomayobati, waaa nooc ka mid ah xanuunada ku dhaca habdhiska dhiig wareegga gaar ahaan muruqyada wadnaha, waxaana timaada cilad keenaysa in dhiig soo tuure yaashu ay talax gabaan isla markaana ay awoodi waayaan in ay soo saaran dhiig ku filan jidhka. Way badan yihiin xanuunada la xidhiidha itaal-darrada muruqyada wadnuhu,balse  waxaa loo kala saraa sidan; mid la xidhiidha debec wadnaha ah , mid la xidhiidha qarada muruqyada , iyo mid ay qalafayaan muruqyada wadnuhu. Haddaba , marka la isku wada daro nooca xanuunkan waxa loo yaqaanaa “ talax-gabka wadnaha “ , oo keena wadne istaag.

Saddexdan nooc ee aynnu sheegnayba  insulin caabbintu way ku lug leedahay , maxaa yeelay  unugyada muruqyada wadnaha ku jiraa waxa ay ku tiirsan yihiin sonkorta, taas oo ay ka helaan shidaalka ugu badan ee ay ku shaqeeyaan , mar kasta oo ay muruqyada wadnuhu balaadhaan waxa ay ka dhigan tahay in ay sii qaro yaraanayaan , haddii ay taasii sii socotana muquryada wadnahu ma samayn doonaan isku-soo-ururkii si ay u shaqeeyaan , dhiiggana si fiican u soo tuuri maayaan , markaa arragtidani waxay tahay markasta oo uu sii kordho xanuunku waa mar kasta oo unugyadii ay sii noqdaan kuwo ku tiirsan sonkorta si ay shaqada u sii wadaan .

Si kastaba ha ahaatee , insuliin caabbiska ayaa dhexdhexaadiya awoodda uu wadnuhu ku qaadayo sonkorta iyo ta uu ku isticmaalayoba, maxaa yeelay waxa u sabab ah  falgalkan cunto samayntii  ku yimid maadaama oo uu wadnuhu sonkor badan u baahday . Wadnuhu wuxuu marba marka ka dambaysa ku sii dhawaada in uu waayo tamar iyo nafaqo labadaba. In kastoo aany jirin caddaymo baddan oo sheegaya markasta oo insuliin caabbis uu jiro in muquryada wadnahu itaal daraynayaan, laakiin daraasado dhowr ah ayaa ina tusaya in insuliin caabbisku uu door muhiim ah ka ciyaaro xanuunada ku dhaca muruqyada wadnaha. Waxa ay aad ugu dhowdahay in insuliinta badan ama kor u kacsan ee soo jiitanta  muddo dheeri , ay keeni karto wadne xanuun .

Wakhti xaadirkan, waxa an rejaynayaa in ay sabatu caddahay , in kastoo aynnu aad u dhaliilnay qodobo kale , laakiin ma jiriro qodob keli ah oo uga dhow insuliin caabbiska sababista xanuunadada wadnaha , dedaalka kasta oo aynnu doonayno in aynnu ku yarayno khatarta xanuunada wadnaha waa in uu noqdo mid ku waajahan insuliin caabbiska. Marka aynnu qirno doorka ay leedahay insuliin caabbbintu ayaynu taaban karnaa boogta,  halkii aynnu ka daweyn lahayn calaamaddaha ama astaamaha xanuunka. Ugu dambayn , waxa la isku deyay marar badan in jiridda loo siibo wadne xanuunka , balse mar kasta oo aynnu isku dayno in aynnu indhaha ka lalino insuliin caabbisku, waa mar kasta oo dhibaatadu ay intan kasii badato.