Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay wararka sheegaya in Ciidamo u direyso Liibiya
Warbaahinta wadamada Carabta qaarkood ayaa qoray war ku saabsan in ciidamo Soomaali ah ay tababareen Turkiga iyo Qadar qeyb ka noqonayaan dagaalka ka socda dalka Liibiya iyaga oo garab siinaya Ciidamada Dowlada Liibiya iyo kuwa Turkiga ee dalkaasi jooga.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciisa Cawad oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa beeniyay warkan ku aadan in dowlada Soomaaliya ciidamo u direyso dalka Liibiya si ay qeyb uga noqdaan dagaalka dalkaasi ka socda.
“”Ma jiraan ciidan aan u direyno Libya ,ciidamada Soomaaliya ma ahan calooshood u shaqeystayaal, sida ciidamada kale ee la sheeg-sheegayay. Marka anaga ma haysano calooshood u shaqeystaal, wararka meelaha lagu qorayo ee dacaayadaha ah waa waxba kama jiraan”. ayuu yiri Wasiir Cawad.
Wasiir Cawad ayaa sidoo kale beeniyay in dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga kawada hadleyn in ciidamo wadajir ah u diraan Soomaaliya si ay u garab istaagaan ciidamada Dowlada caalamku aqoonsan yahay ee Liibiya.
Dowlada Turkiga ayaa ciidamo badan geesay dalka Liibiya si garab u siiso ciidamada dowlada Liibiya ee dagaalka kula jira ciidamo daacad u ah Jeneraal Khaliifa Haftar oo taageero ka helaya dowladaha Imaaraadka, Masar iyo Ruushka.