Dowlada Maraykanka oo taageertay heshiiskii diblomaasi ee Somaliland iyo Taiwan
Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa ammaanay galaangalka diblomaasi ee Taiwan ka bilowday Bariga Afrika gaar ahaan Somaliland.
“Waa guul laga gaadhay xirdhiidh diblumaasiyadeed ee naadirka ah ka dib markii ay Taiwan xidhiidh la yeelatay gobolka madaxa bannaan ee Somaliland” ayaa lagu qoray wakaaladda wararka ee Mareykanka ee AP.
Xidhiidhka xun ee kala dhexeeya Shiinaha ayaa sababay in dowladnimo ay waydo Taiwan oo ah maamul dimuquraadi ah oo xiriir la leh illaa 15 dal oo keli ah, kamana tirsano Qaramada Midoobeey.
Sidoo kale inta badan hay’adaha caalamiga ah waxay xidhiidh toos ah la leeyihiin Xukuumadda Beijing oo keli ah.
“Waa muhiim in la arko Taiwan oo sare u qaadeysa shaqadeeda xidhiidh ee Bariga Afrika, xilliga oo ay baahi badan jirto, Taiwan waa saaxiib ku fiican caafimaadka, waxbarashada, iyo kaalmada farsamo, iyo waxyaabo kale oo badan” ayaa sidoo kale lagu qoray Twitter-ka Laanta Amniga Qaran ee Mareykanka.
Taiwan oo Shiinaha uu u aqoonsan yahay gobol dalkiisa ka tirsan iyo Somaliland oo iyana ka goday1991 Somalia ayaa dhowaan heshiis diblomaasi kala saxiixday, waxaana heshiiskaas cambaareeyey shiinaha iyo dowlada federaalka Somalia.

Dhexnimomedia/hargeisa

Info@dhexnimomedia.com