Dowlada Itoobiya oo war ka soo saartay sababta loo xiray Jawar Mohamed
Dowlada Itoobiya ayaa xaqiijisay inay xidhtay siyaasiga hoggaamiya mucaaradka ee Jawar Mohamed, tallaabadaasoo sii holcin karta xiisadda qowmiyadeed ee toddobaadkan horseeday in dad dhowr ah ay ku dhintaan gobolka Oromia.
Sida uu sheegay madax booliska federaalka Endeshaw Tassew, Jawar oo ahaan jiray milkiile warbaahineed oo dhowaan ku biiray xisbiga mucaaradka ee Oromo Federalist Congress, ayaa shalay isaga iyo 34 qof oo kale lagu xiray magaalada Addis Ababa.
Xariga ayaa yimid intii uu socday iska horimaad dhex-maray Jawar iyo ciidamada ammaanka oo la xiriiray meydka Hachalu Hundessa, oo ahaa fanaan Oromo ah oo habeenkii Isniinta la dilay, kaasoo dhaliyay dibad-baxyo xooggan.
Endeshaw ayaa sheegay in meydka Hachalu loo waday magaalada uu kasoo jeedo ee Ambo, si loogu aaso, islamarkaana Jawar iyo taageerayaashiisa ay is-hortaageen ayna isku dayeen inay ku celiyaan Addis-Ababa, kadibna uu xigay isku dhaca.
“Waxaa isku dhac uu dhex-maray ciidamada ammaanka iyo dad kale, waxaana halkaas ku geeriyooday askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee gobolka Oromia,” ayuu Endeshaw ku yiri bayaan uu soo saaray.
“35 qof oo uu ku jiro Jawar Mohammed ayaa la xiray. Ciidamada ammaanka waxay qabteen 8 qori oo Kalashnikov ah, shan bastoolad iyo sagaal raadiyaha codka gudbiya ah, kuwaas oo ku jiray baabuurka Jawar Mohammed,” ayuu yiri.