Qaar kamid ah Wadamada Caalamka waxaa faro ba’an ku haya cufurka sii faafaya ee Caronavirus, waxaana sii kordhaya wadamada uu cudurkaasi gaadhayo iyo waliba dadka uu ku dhacayo.
Wadamada uu cudurkaasi wali gaadhin ayaa wada dadaalo ay uga hortagayaan in cudurkaasi soo gaaro, waxaana baaritaano ku sameeyaan dadka dib ugu soo laabanaya dalalkaasi gaar ahaan kuwa ka imaanaya wadamada laga helay caabuqaasi.
Dalka kuyaaa galbeedka Qaarada afrika ee Gaambiya ayaa gebi ahaanba joojisay in madaxda iyo saraakiisha dalkaasi ay u safraan dalka dibadiisa si looga hortago faafinta cudurka Coronavirus.
Dowlada Gambiya ayaa sidoo kale amartay in si adag loo baaro madaxda iyo dadka kale ee dalkaasi dib ugu soo laabanayo si looga taxadaro in dalkaasi uu soo gaaro caabuqa halista ah ee Caronavirus.
Dalkan wali laguma arag kiisas la xariira caabuqa Caronavirus, hasa ahaatee dalka Senigal oo daris la ah Gaambiya ayaa lagu arkay cudurka Caronavirus , waxaana jirta cabsi laga qabo in cudurkaasi ku faafo wadamada dariska la ah Senigal.

Dhexnimo Media/ Hargeysa
Info@dhexnimomedia.com