Ilhan Cumar ayaa saacado ka hor waxaa dib loogu soo doortay Koongareeska Mareykanka iyadoo ku soo baxday doorashadii ka dhacday degmada 5-aad halkaas oo ay ku difaacatay kursigeedii.

Codbixintii shalay deegaankaas ka dhacday ayey Ilhaan kaga guulaysatay musharixiintii kale ee kursigan kula tartamaysay.

Safaf dhaadheer ayey dadka ugu jireen sidii ay codkooda doorashadan uga dhiiban lahaayeen, iyadoo la sheegay in Soomaali badan ay sanadkan codkooda dhiibteen.

Dhanka kale waxaa weli socota tirinta codadka doorashada madaxtinimada ee waddankaasi Mareykanka, iyadoo laga dhursugayo oo haatan ay diiradda saaran tahay gobollada aadka loogu loolamayo.

BBC

Waxaa jiro gobollo aana dhinacna raacsanayn oo haddii musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu doonayo inuu xilka kala wareego Madaxweyne Trump ay tahay inuu ku guulaysto.

Iyadoo ku dhawaad boqolkiiba 96 la tiriyay codadka doorashadii gobolka Florida, ayaa Mr Trump waxa uu u muuqanayaa inuu waxoogaa ka horreeyo ninka ay tartamayaan hasayeeshee weli dhinacna looma ridi karo arrintaasi.

Gobollada kale ee aadka loogu loolamayo waxaa ka mid ah North Carolina, Pennsylvania, Ohio iyo Michigan.

Taariikh kooban oo Ilhaan Cumar ku saabsan

Ilhaan Cumar oo 39 sano jir ah ayaa taariikh sameysay kaddib markii ay 2018-kii noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xildhibaan ka noqdo dalka Mareykanka.

Halkan ka akhriso shan arrimood oo ku saabsan Ilhaan:

  • Waxay Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaalka sokeeye iyadoo 8 sano jir ah
  • Muddo afar sano ayay ku nooleyd xerada qaxootiga ee Dhadhaab
  • Waxay Maraykanka tagtay iyadoo 12 sano jir ah
  • Eryada Ingirriska ee ay garaneysay markii ay Maraykanka gaartay waxay ahaayeen “hello” iyo ”aamus” oo kali ah
  • Waxay noqotay qofkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee lagu doorto Maraykanka.

Waxyaabaha taariikhda galay ee ku saabsan Ilhaan Cumar

Ilhan Omar
Qoraalka sawirka,Ilhan Omar

Ilhaan Cumar ayaa 2018-kii waxa ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah oo loo doorto inay xubin ka noqoto Aqalka Koongareeska ee waddanka Mareykanka.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa waqtigaas noqday gabdhihii ugu horreeyay ee Muslimiin ah ee ku soo baxa doorashooyinka Koongareeska Mareykanka.

Ilhaan ayaa markii ay soo galaysay Aqalka waxa ay maalintaas ku soo labisatay dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida, sida caadada u ahaydna madaxeedu wuu dadnaa oo way xijaabnayd.

Qoraalka Muuqaalka,Daawo: Ilhaan Cumar oo ka hadashay dhaarinteeda

Haddaba qaabkee Ilhaan Cumar waqtigaas ku tagtay Kongareeska?

1. Aabaheed (Allaha u naxariistee) ayey ka soo wada dageen garoonkii ay ka soo galeen Mareykanka

Ilhan Cumar ayaa aabaheed Nuur Cumar – Allaha u naxariistee – waxa uu ku wehliyey safar taariikhi ah, waxa ay si wada jir ah uga soo dageen garoonkii ay ka dageen markii ay Mareykanka soo galayeen muddo hadda laga joogo 25 sanadood, markaas oo ay ka soo kicitimeen xeryaha qaxootiga ee Kenya oo ay muddo ku noolaayeen.

Ilhan Cumar iyo Aabaheed Nuur Cumar
Qoraalka sawirka,Ilhan Cumar iyo Aabaheed Nuur Cumar

Waxa ay waqtigaas soo qortay hadallo uu yiri aabaheed oo ah “23 sanno ka hor, aniga iyo qoyskeyga waxaan soo gaarnay garoonka diyaaradaha ee Washington annagoo qaxooti ku ah dalkan, oo markaasi ka nimid xero qaxooti oo ku taalla dalka Kenya… 23 sanno kaddib waligey kuma riyoonin in aan dib ugu laabto isla garoonkii diyaaradaha anigoo la socda gabadheyda Ilhaan, maalin ka hor inta aan loo dhaarin xilka haweeyneydii ugu horreysay ee Soomaali ah oo loo doorta xildhibaanada aqalka Kongareeska”.

2. Waxaa lagu dhaariyay kitaabka Qur’aanka oo uu awoowgeed hadiyad ahaan u siiyay

Ilhaan Cumar ayaa waxa maalintii dhaarinta lagu dhaariyey bannaanka Aqalka Koongareeska ee Mareykanka, iyadoo la timid Kitaab Quraan ah oo uu awoowgeed horay hadiyad ahaan ugu siiyey.

Waxa ay noqotay markii ugu horreysay ee qof lagu dhaariyo Kitaabka Quruanka Kariimka ah.

Ilhaan ayaa waxa ay mar qura soo wadagaleen Koongareeska gabadh kale oo Muslim ah oo u dhalatay Falastiin.

Waxay maalintaas Ilhaan boggeeda Twitter-ka ku soo qortay in awoowgeed uu ku dhiirri-geliyay damaceeda ah inay siyaasadda heer sare ka gaarto.

Waxay sheegtay in maalaintaas uusan nasiib u yeelan inuu goob joog ka noqdo munaasabadda taarikhiga ah ee lagu caleemo saarayay.

“Waxaan jeclan lahaa inuu goob joog ka noqdo munaasabadda taarikhiiga ah, anigoo niyada ku haya waxaan gacanta saaraya Kitaabkiisa Qur’aanka si aan ugu xuso munaasabadda la iigu dhaarinayo” ayey tiri.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

3. Waxay aqalka Koongareeska la gashay Xijaab ama Qamaar

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, oo iyadana ah gabadh muslim ah oo asal ahaan ka soo jeedda Falastiin, ayaa 2019-kii loo dhaariyey xildhibaannimada Koongareeska Mareykanka,

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa waqtigaas taariikhda ku galay iney noqdaan gabdhihii Muslimiinta ahaa ee ugu horreyay ee abid ku biiray aqalkaas, waxaana lagu soo doortay tigid-ka xisbiga Dimuqraaddiga.

Ilhaan Cumar ayaa waqtigaas noqotay gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban fadhiisata aqalka Koongareeska Maraykanka, markaas oo ay ku labisnayd dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Ilhan Omar

Ilhaan ayaa bishii November ee 2018 markii la doortay waxa ay ballan qaaday in ay soo gabagabayn doonto sharciga mamnuucaya in madaxa la dado marka la fadhiyo aqalka Congress-ka.

BBC-da ayey u sheegtay in shaqada ugu horreysa ee ay qabaneyso ay tahay sidii ay u badbaadin lahayd khamaarkeeda, taasna ay garab ku siiyeen siyaasiyiinta kale ee xisbigeeda saameynta leh.

“Sidaan ognahay Waddankan sharciyadiisa waxay oggolyihiin in qof walba uu diintiisa xor u ahaado laguna xushmeeyo, Marka aniga waxaan ahay qof muslim ah oo xijaab xirata, sharcigaanna waa muhiim inuu ii oggolaado inaan xijaabkeyga xirto shaqadeydana guto, Markii la i doortay waxaan ogaannay inuu jiray sharci igu adkeynaya inaan khamaarkeyga wato, marka waxaa fursad la ii siiyay inaan aniga noqda qofka horseedaya sidii sharcigaas loo baddali lahaa” ayey tiri Ilhaan.

BBC somali