Haddii la rumeysanayo baraha bulshada, waxaa jira hal qof oo ku guuleystay dooddii ugu dambeysay madaxwaynannimada. Waa haweeyneydii dhexdhexaadineysay dooda.

Kristen Welker ayaa aad loogu bogaadiyay sida wanaagsan ee ay shaqadeeda qeybinta doodda u qabatay, gaar ahaan waxaa lagu ammaanay sida ay u ilaalinaysay in musraxaiinta ay waqtigooda ku ekaadaan iyo in aysan aqbalin in hadalka laga dhexgalo.

Welker oo 44-jir ah ayaa ku kortay magaalada Philadelphia, ee gobolka Pennsylvania, waxayna jaamacadda Harvard ka qallinjabisay 1998.

Waxay sanaddii 2011 ay noqotay wariyaha Aqalka Cad uga soo warama telefishinka NBC , islamarkana ka dib ayaa waxay noqotay wariyaha daadihiya barnaamijka Weekend Today.

Waxaa gabadhani wariyaha ah ee dhex-dhexaadinaysay dooddii Khamiistii dhexmartay madaxwayne Trump iyo Joe Biden laga qoray 125,000 qoraal oo la soo dhigay barta Twitter-ka. Waxaa sidoo kale waxyaabaha taariikhda galay ka mid ah inay noqoty qofkii labaad ee madow ah dhexdhexaadiya doodaha musharaxiinta madaxwaynannimada Mareykanka.

Waxay ahayd sanaddii 1992 markii Carole Simpson oo ka tirsaneyd telefishinka ABC dhexdhexaadisay dooddii loo qabtay musharaxiintii xilligaasi. Welker ayaa markii ay doodaasi dhexdhexaadinaysay Simpson waxay ahayd mid wali ku jirtay waxbarshada iskuulka, waxaana dooda xilligaasi loo qabtay Bill Clinton iyo George HW Bush.

Waxaa si wayn loo dhaliilay Chris Wallace oo ka tirsan telefishinka Fox News oo dhexdhexaadinayay dooddii kowaad ee dhexmartay Donald Trump iyo Joe Biden.

Halka sidoo kale la cambaareeyay qaabkii ay u maareysay Susan Page oo qeybinaysay dooddii dhexmartay musharaxiinta madaxwyana ku xigeenka Mike Pence iyo Kamala Harris .

Balse Welker ayaa lagu ammaanay inay si wanaagsan u maareysay in musharaxiinta aysan mowduuca ka bixin iyo sida ay u xakameynaysay doodad, inkastoo la xirayay meykarafoonka qofka hadlaya mooyee qofka kale.

Suxafiyiinta kale ayaa sidoo kale ammaan kala dul dhcay Mrs Welker.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Wariyaha aqalka cad uga soo waranta telefishinka NBC Hallie Jackson ayaa ku tilmaamtay “Waqti qeexayay xirfadeeda “, halka wariye Harris Faulkner ay tiri “waxay dadka Mareykanka u soo bandhigtay dood dhab ah”.

Warie Rachel Maddow oo ka tirsan telefishinka MSNBC ayaa ku tilmaamtay Welker inay tahay”qofka ku guuleystay doodda”.

Ka bood Twitter boggan, 2

Dhammaadka Twitter boggan, 2

Wariyaha lagu magacaabo Chris Wallace oo isaga o horey u dhex-dhexaadiyay dooddaha musharaxiinta madaxwaynanimada ayaa u sheegay telefishinka Fox News in uu “ka maseyray am ka hinaasay” Mrs Welker qaabkii ay doodda u qabatay.

Madaxwayne Donold Trump oo aad u dhalili jiray wariyayaashii hore u qeybinayay doodaha ayaa qudhiisa ammaan kala dul dhacay Mrs Welker. “Aan ku sheegee, waxaan ilaa hadda aad u ixtiraamayaa qaabka aad doodad u maareynayso,” ayuu yiri.

BBC SOMALI