Dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee Israel oo cadaadis xoog ah ku haya Netanyahu.

Dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee Israel oo cadaadis xoog ah ku haya Netanyahu.

Kumanaan reer Israa’iil ah ayaa Sabtidii ka mudaaharaaday magaalooyinka israaiil oo ay ka mid yihiin Tel Aviv, mudaaharaadyo isdaba joog ah oo lagu dalbanayo iscasilaada Raiisel wasaare Benjamin Netanyahu is kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo in dowladiisu wax ka qababan wayday cudurka dilaaga ah ee Covid19

waxay ka hor mudaaharaadeen bannaanka guriga Netanyahu, iyagoo wata calaamado ay ku eedeynayaan inuu musuqmaasuq sameeyay,

“Waxaad ka dheregtay musuqmaasuqa,” calaamadaha qaarkood ayay ku qornayd kuwa kalena waxaa ku qornaa “Aaway akhlaaqiyadjii? Xageey qiimeeyaan?”

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale ku gacan saydhay sharci toddobaadkan la meel mariyay kaasoo dowladda siinaya awoodo gaar ah oo lagula dagaallamo faafitaanka fayraska covid19 illaa dhammaadka 2021.

Sabtidii kumaan kun oo mudaaharaad ah ayaa sidoo kale isugu soo baxay magaalada xeebta ku taal ee Tel Aviv.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale ka cadhysan saameynta ay xannibaadaha fayrasku ku yeesheen dhaqaalaha, iyadoo qoysaska shaqo la’aanta ah iyo kuwa dakhligoodu yar yahay ay sheegeen in dowladdu aysan ku filneyn inay caawiso iyaga.

Tirooyinka shaqo la’aanta ee Israel ayaa gaadhay 3.4 boqolkiiba bishii Febraayo ilaa 27 boqolkiiba bishii Abriil, ka hor inyar oo hoos u dhacday bishii May illaa 23.5 boqolkiiba.

Kadib markii la arkay in kabadan 1000 jeer infekshan cusub oo coronavirus ah usbuucyadii la soo dhaafay, Xukuumda ayaa soo rogtay xayiraadyo qaarkood, oo ay kujiraan xidhmooyinka, meelaha lagu caweeyo iyo jimicsiga.

Dalkan yuhuudda ayaa ilaa iyo hadda diiwaan geliyay 60,496 kiis oo la xaqiijiyey oo ah Covid-19, oo ay ku jiraan 455 dhimasho ah.

Cabdiraxmaan Rashiid Dalmar
Dhexnimo Media/Hargeisa
Info@dhexnimomedia.com
cabdiraxmaan800@gmail.com