Riyaad: (Dhexnimo Media) Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaa la siiyay tallaalkiisii ​​ugu horreeyay ee coronavirus ah  jimcihii  .

Xarumaha talaalka ayaa lagu soo waramayaa in laga hirgaliyay wadanka oo dhan  qiyaastii 50 kun oo qof ayaa isdiiwaangaliyay in laga covid19 tallaalo kadib markii wasiirka caafimaadka Tawfiq Al-Rabiah uu ku booriyay mawaadiniinta sacuudiga iyo dadka degan inay isa soo qoraan si loo daweeyo.

Wasaaradda caafimaadka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay bishii Nofeembar in ay rajeyneyso in la helo tallaal ku filan oo lagu tallaalo boqolkiiba 70 dadka ku nool dhamaadka 2021.

Riyadh ayaa soo warisay 361,903 xaaladood oo cudurka coronavirus ah oo ay ku jiraan 178 oo la ogaaday 24-kii saac ee la soo dhaafay wasaaradda Caafimaadk ayaa sidaa sheegtay jimcihii shalay

 

Waxay sidoo kale soo warisay sagaal dhimasho 24-kii saac ee la soo dhaafay  taasoo wadarta guud ka dhigeysa 6,168.

 

Bin Salmaan, oo sidoo kale loo yaqaan MBS, wuxuu ka mid yahay dhowr hoggaamiyeyaal adduunka ah oo qaatay tallaalkoodii ugu horreeyay ee covid19. Raiisel wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu   iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa iygana laga tallalay cudurka

 

Sacuudi Carabiya ayaa xidhatay  xuduudaheeda  dhulka iyo badda usbuucii la soo dhaafay kadib markii kiisas cusub oo ka mid ah  ‘Covid-19’ lagu arkay dalkaas  kaas oo ah mid aad u faafa.

 

Cabdiraxmaan Rashiid

Dhexnimo Media/ Hargeysa

Email: cabdiraxmaan800@gmail.com

Info@dhexnimomedia.com