Dhamaan Ciiddanka iyo dadka Rayidka ee Reer Afganistaan ee soo magan-galay dalka Uzbekistan ayaa la sheegay in shalay iyo maanta loo daabulay dal kale oo aan la shaacinin.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Uzbekistan, Yisuf Kabulzhanov oo maanta la hadlay Warbaahinta Sputnik ayaa sheegay in dhamaan dadka Reer Afganistan ee ku sugnaa Gudaha Xuduudka UZ in bishan September 12-dii ilaa 13-dii loo daabulay dal 3-aad oo ay ka heleen Magangelyo Qaxootinimo.

War horey u soo baxay ayaa muujiyey in dhamaan Ciiddanka Afganistan iyo Diyaaradaha Dagaalka ee ay la soo galeen dalka Uzbakistan loo duuliyey dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo ay Dowladda Maraykanka isku duwday daabulistooda.

Ilaa 46 Diyaaradaha Dagaalka ee Afganistan ayaa horey loo dhigay Saldhiga Ciiddanka Cirka Uzbakistan oo ku yaalla meel ku dhow Xuduudka Afganistan.

Shalay, Dowladdaha Maraykanka iyo Uzbekistan waxay ku heshiiyeen in Diyaaradahaasi lagu wareejiyo gacanta Maraykanka, lana geeyo Saldhiga Ciiddanka Maraykanka ku leeyihiin dalka Qatar