Dhakhaatiir Cuban ah oo afduub ay u heysteen Alshabaab oo la si daayay

Dhakhaatiir u dhalatay dalka Cuba oo laga soo afduubtay dalka Kenya ayaa la sii daayay sida laga soo xigtey sarkaal ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in la sii daayay dhakhaatiirtan kadib markii wadahdalo lala yeeshay dadkii ay afduubka u haystey.

Hase yeeshee lama sheegin illaa iyo hadda halka lagu sii daayay dhakhaatiirtan.
Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Cuba Bruno Rodriguez ayaa uga mahadceliyay dowlada

Soomaaliya gacantii ay ka geysatay sii deynta labadan dhakhtar ee afduubka loo haystay.
Labadan dhakhtar ayaa laga soo afduubtay magaalada Mandhera bishii April sanadkii 2019.

Ma cadda in lacag madax furasho ah la bixiyay balse kooxda afduubatay ayaa hore u dalabtay lacag madax furasho ah.

Labadan dhakhtar ee la sii daayay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Assel Herrera iyo Landy Rodriguez waxana ay ka mid ahaayeen illaa boqol dhakhaatiir u dhalatay dalka Cuba oo ka howlgalayay dalka Kenya.

Waa markii labaad ee Alshabaab ay sii daayaan qof ajnabi  ah oo ay ka soo afduubteen dalka Kenya,waxaana bartamihii bishii May ee sanadkan ay Alshabaab sii daayeen haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga Silvia Romano.