Kaka (Milan, center) between Liverpool players Jamie Carragher (left) and Daniel Agger during the 2006-2007 UEFA Champions League final between AC Milan and Liverpool FC. (Photo by liewig christian/Corbis via Getty Images)

Difaaca Liverpool ayay musiibo kale ku habsatay maanta kaddib dhaawac halis ah oo soo gaadhay Joe Gomez oo ahaa laacibka kaliya ee difaacyada dhexe badqabka u ahaa Reds ee ay kusii badbaadeen muddadii ay maqnaan Virgil van Dijk, Matip iyo Fabinho.

Laacibkan ayaa dhaawac culusi kasoo gaadhay tababarkii xulka qaranka England uu la samaynayay maanta gellinkii hore, taas oo walaaca kuwsii kordhisay Liverpool oo marka horeba uu ka maqnaa Van Dijk oo xili ciyaareedka oo dhan seegaya iyo Fabinho oo si ku-meelgaadh ah booskiisa uga sii ciyaaray ka hor intii aanu isaguna dhaawacu soo gaadhin.

Inkasta oo la rumaysan yahay in dhaawacani uu culus yahay oo beryahan aanu soo laaban doonin Gomez, haddana Liverpool ayaa sugaysa warbixinta kama dambaysta ah ee dhakhaatiirta, si ay u ogaadaan xaqiiqada dhaawacan iyo inta uu le’eg yahay.

Advertisements

Dhaawacan ayaa Liverpool uga dhigan inay difaac la’aan tahay oo ay xaaladdeedii hore sii xumaatay, taas oo waliba ciyaartii Manchester City ee Axaddii ay u raacday in Trent Alexander-Arnold uu isaguna dhaawacmay oo uu muddo bil ah ka maqnaan doono garoomada, iyadoo illaa lix ciyaarood oo kooxdiisa ah uu seegi doono.

Tababare Jurgen Klopp ayay xaaladdu ku adkaan doontaa, isla markaana aan garanayn si uu u kala xusho ciyaaryahannada aan khibradda badan lahayn ee qaarkood uu sida ku-meelgaadhka ah difaaca dhexe uga sii ciyaarsiiyey iyo in waliba Matip aanu ahayn mid adag, una nugul yahay dhaawacyada.

Sidaas oo ay tahay, jamaahiirta Liverpool ayaa isku dayay inay ka caawiyaan tababarahooda sidii uu u xallin lahaa mushkiladda difaaca, waxaanay codsadeen in dib loogu yeedho laba ciyaartoy oo midkood hadda gaboobay, kan kalena xirfaddiisii meesha ka baxday, si ay difaaca uga ciyaaraan.

Taageereyaasha oo isticmaalayay barta bulshada ee Twitter-ka ayaa waxay ku baaqeen in Jamie Carragher iyo Daniel Agger ay garoomada kusoo laabtaan oo ay ka ciyaaraan difaaca dhexe ee ay ka dhaawacmeen Virgil van Dijk iyo Joe Gomez.

Si kastaba, tababare Jurgen Klopp ayaa xalka ka raadin doona xiddigaha uu haysto oo qaar khadka dhexe ah uu ka ciyaarsiin doono difaaca, halka uu sidoo kale kalsooni siin doono laacibiinta da’da yar sida Williams.