agaalada Muqdisho  ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa dhawaan soo gaaray Ciidamo ka tirsan dalka Nigeria, kuwaasi oo kamid ah Booliska Ciidanka midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamadan soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa dalka Nigeria loogu soo Gaba-gabeeyay tababar Cusub oo la xiriira shaqada Ciidanka Booliska AMISOM iyo Arrimo ku aadan xaaladda dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Ciidanka oo tirro ahaan gaaraya ilaa iyo 130 Askari ayaa ka howlgeli doona Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa ay shaqeyn doonaa Arrimaha Doorashada la filayo in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo sanadkan 2020/2021.