Waxa halkeeda kasii socota saamaynta uu xanuunka Korona Fayras markale ku yeeshay kubadda cagta Yurub gaar ahaan mida horyaalka Premier League kaddib markii uu gabi ahaanba baaqday kulan kale oo toddobaadkan la balansanaa.

Ciyaarta 10-ka kulan ee usbuucan ka baaqatay ayaa ah midii gegida Turf Moore ku dhex maraysay kooxaha Burnley iyo Fulham.

Kaddib markii toddobaadkii hore la baajiyay kulan ay Fulham booqanaysay Tottenham, markale kooxda tababare Scott Parker ayaa loo baajiyay kulan sababtoo ah inuu safkeeda kusii fiday xanuunku.

Advertisements

Sababta kulankan loo baajiyay ayaa lagu sheegay inay kiisas dheeraad ah oo Korona Fayras ahi kusoo kordheen liiskii toddobaadkii hore ee xiddigaha Fulham ee xanuunka laga helay.

Warbixin rasmi ah oo uu soo saaray maamulka Premier League ayaa u taalay sidan “Kaddib markii dib loo dhigay kulankoodii ay la ciyaarayeen Tottenham Hotspurs Arbacadii, ciyaartoyda iyo shaqaalaha Fulham ayaa si deg-deg ah dib baadhitaan loogu sameeyay, waxaana subaxnimada saaka ay sheegeen (Baadhitaanadu) kiisas heeraad ah oo Korona Fayras ah”

“Kaddib codsigii Burnley ee ahaa in dib loo dhigo kulanka, gudida Premier League ayaa tixgeliyay talooyin caafimaad oo madax banaan oo dheeraad ah waxaana ay go’aansadeen in dib loo dhigo sababo la xidhiidha duruufaha gaarka ah ee xanuunka ka dilaacay kooxda”