Gudoomiyaha gobolka Borno ee dhaca waqooyiga-bari ee dalka Nigeria Babagana Zulum, ayaa ka bad baaday qarax lagu soo xiray dameer oo la doonayay in lagu dilo xili uu safar shaqo kugada jiray.

Koox mintidiid Islaami ah ayaa qarax ay kusoo xireen dameer ku weeraray kolonyo gaadiid ah oo galbinayay Gudoomiyaha gobolka Borno , waxaana qaraxan la sheegay in ay fashiliyeen ciidamadii ilaalada u ahaa gudoomiyaha.

Xubno ku dhaw dhaw Gudoomiyaha qaraxa ka bad baaday ayaa sheegay in kolonyadii gudoomiyaha galbineesay ka shakiyeen dameerka qaraxa lagu soo xiray oo laamiga taagnaa kadibna rasaas ku fureen sidaasna ku qarxay dameerka.

Qaraxa kadib ayaa la sheegay in maleeshiyaad hubeesan rasaas culus ku fureen kolonyadii uu la socday Gudoomiyaha gobolka Borno, waxaana weerarkaasi ka bad baaday gudoomiyaha oo la doonayay in lagu dilo.

Gobolka Borno oo muslimiinta Nageria ku badan yihiin ayaa waxaa dagaalo kawada kooxda Boko Haram oo ku biirtay kooxda Daacish, waxa ayna kooxdaasi weeraro isugu jiri qaraxyo iyo kuwa toos ah ka fuliyeen qeybo kamid ah dalka Nageria .

isha: allbanaadir