DEG DEG: James Rodriguez Oo U Soo Wareegay Horyaalka Premier League & Faahfaahinta Heshiiska Uu Ku Imaanayo

Everton ayaa heshiis kala gaartay Real Madrid saxiixa xiddiga kubad sameeyaha James Rodriguez iyadoo la filayo in goordhow heshiiska si rasmi ah loogu dhawaaqo, sida ay shaacisay goor dhaweyd jariirada Telegraph.

Xiddiga reer Colombia ayaa heshiis seddex sannadood ah u saxiixi doona kooxda Premier League ka dhisan isagoo dib u la midoobaya tababare Carlo Ancelotti.
Rodriguez weli ma uusan u safrin magaalada Liverpool oo ay ka dhisan tahay Everton laakiin waxaa la fahamsan yahay in heshiiska la dhameeyay maanta oo Talaado ah.
Advertisements
Heshiiskaan ayaa afduub weyn u ah kooxda Everton iyagoo lacag jaban ku helay mid ka mid ah xiddigaha ugu waa weyn kubada cagta dunida.
Real Madrid ayaa dalbaneysa 25 milyan euro iyadoo Rodriguez ay 10 bilood uga harsaneyd qandaraaskiisa Santiago Bernabeu.
Ilaa iyo haatan ma cadda lacagta ay ku heshiiyeen Everton iyo Real Madrid, laakiin ilo ku dhow heshiiska ayaa xaqiijiyay in wax walba la dhameeyay islamarkaana la filayo in sida ugu dhakhsiyaha badan loo shaaciyo.
Rodriguez ayaa dhankiisa ogolaaday mushahar dhimis aad u weyn si uu mar kale uga hoos ciyaaro tababarihii aaminay tayadiisa ee Carlo Ancelotti.
Waxay noqoneysaa markii seddexaad ee uu ka hoos ciyaaro Anceloyyi oo tababare ugu soo ahaa Real Madrid xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee 2014-15 iyo markii uu amaahda ku joogay Bayern Munich.
Inkastoo James Rodriguez uusan helin fursado badan xilli ciyaareedyadii u danbeeyay hadana xogtii goolasha iyo caawinta waa mid cajiib ah, waxaana la sugayaa in la arko wacdaraha uu ka dhigi doono Premier League gaar ahaan isagoo ka hoos ciyaaraya tababare aaminaad weyn ku qaba tayadiisa.
Ancelotti ayaa la hadlay Rodriguez todobaadkii la soo dhaafay, wuxuu mar kale la hadlay Isniintii isagoo u sharxay qorshihiisa kooxda Everton iyo kooxda uu dib u dhiska ku wado.
Rodriguez ayaa doonaya inuu dib u soo nooleeyo waayihiisa ciyaareed isagoo aan wax badan qabanin tan iyo markii uu lix sannadood ka hor ku guuleystay gooldhalinta Koobka Adduunka sannadkii 2014.