Waxaa goordhow la qabtay isku aadka wareega 16ka ee koobka FA Cup inkastoo ay jiraan kooxo aan weli u soo gudbin wareegaan oo lagu qasbay kulan ku celis ah.

Kulamada wareega 16ka FA Cup waxaa la dheeli doonaa bartamaha isbuuca ee 3da ilaa 5ta March iyadoo kulan ku celis ah uusan jiri doonin, haddii ay ciyaarta barbaro ku dhamaato waxaa lagu kala bixi doonaa waqti dheeri ah iyo rigoore.

Kooxda difaacaneysa koobka ee Manchester City waxay u safri doontaa Sheffield Wednesday. Halka Chelsea ay soo dhaweyn doonto midkood kooxdii u soo gudubta wareega 16ka Liverpool ama Shrewsbury Town.

Manchester United waxay marti u noqon doonaan midkood kooxdii soo gudubta Northampton ama Derby County.

 

Arsenal oo caawa la ciyaareysa Bournemouth waxay ku soo aadi doontaa haddii ay soo baxdo kooxda Portsmouth.

Isku Aadka Oo Dhameystiran:

Portsmouth vs Bournemouth/Arsenal

Southampton/Tottenham vs Norwich

Northampton/Derby vs Manchester United

Leicester vs Coventry/Birmingham

West Brom vs Newcastle/Oxford United

Chelsea vs Shrewsbury/Liverpool

Reading/Cardiff vs Sheffield United

Sheffield Wednesday vs Manchester City