Deeqdii dawada ahayd ee dowlada Imaaraadku shalay ka soo dejisey Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa noqotay wax ka duwan wixii la filayey sida ay sheegayaan warar soo baxaya.
Dayuurad ka timid Imaaraadka Carabta ayaa Muqdisho ka dejisay 23 tan oo markii hore lagu tilmaamay agab caafimaad oo lagaga gaashaanto cudurka Coronavirus, sida maasgaraha dawaysan, neef-siiyeyaal, qalabka nadaafada iyo kuwa looga gaashaanto cudurka ee dhaqaatiirta loogu talo galay.
Ilo wareedyo ku dhow Wasaaradda Caafimaadka DF Somalia ayaa sheegaya kartoomada markii la furay laga helay oo kaliya saabuun dareere ah oo gacmaha lagu dhaqdo taasoo si weyn uga yaabisay masuuliyiinta dowlada.
Qoraal ay soo saartay dowlada Somalia ayey isla shalay kaga mahad celisey gargaarka Imaaraadka oo ay ku sheegtay inuu muujinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya.
Arrintan ayaa ku soo beegantay xili dad badan ay shaki ka muujinayeen gargaarka ka yimid Imaaraadka oo ahaa mid lama filaan ah maadaama xiriirka labada dowladood uusan fiicneyn labadii sano ee la soo dhaafay, imaaraadkuna uu waday jalaafooyin iyo hagardaamo ka dhan ah DF inkastoo sidii uu doonayey aysan ugu suuragelin.