-Dawladaha reer galbeedka ayaa dedaal ugu jira in sannadkan cusub ee 2020 uu noqdo mid soo celiya wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay.
Dawladaha reer galbeedka ayaa guclo ugu jira in sannadkan 2020 ay kulankoodii u horeeyay yeeshaan labada Madaxweyne ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, si loo soo celiyo wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho oo istaagay ka dib markii ay labada Madaxweyne hawada isu mariyeen hadalo kulul oo sabab u noqday in wada hadaladu meesha ka baxaan.