Athletic Bilbao iyo Osasuna ayaa amar lagu siiyey inay qasnadda dawladda ku shubaan lacago cashuuro ah oo qiimayn qaldan loogu dhuftay, taas oo dib laga ogaaday.

Advertisements

Barcelona iyo Real Madrid ayaa iyagana lagu wargeliyey in ay sugaan laba biil oo dhibaato weyn ku noqon doona oo ah cashuuro cusub oo ah lacago ay ahayd inay hore u bixiyaan, laakiin qalad dhacay darteed loogu sameeyey qiimo dhimis.

Labadan kooxood ee ugu waaweyn waddanka Spain oo dhibaatooyin dhaqaale xumo ay ku habsadeen, ayna sii daran tahay Barcelona, ayaa waxay heli doonaan laba qaan-sheegood oo €5  milyan oo Euro ah, taas oo gaadhay heer ay dawladda isla galaan maxkamad haddana uu go’aankii ugu dambeeyey soo baxay.

Advertisements

Kooxahan El Clasico oo ay ahayd in 30% cashuur ah laga qaado ayaa waxa loo garaacay qiime qaldan oo ah 25%, taas oo dib laga ogaaday in asxaan loo sameeyey kooxahan, ayna caddaalad darro tahay.

Barcelona iyo Real Madrid ayuu kiiskoodu gaadhay maxkamadda CJEU ee ku taalla Luxenbourg, waxaana ugu dambayntii ay soo saartay xukun ah, in sida uu dhigayo qodobka 107(1) ee TFEU, ay tahay inay canshuurta iskaga bixiyaan, taas oo qasab kaga dhigaysa inay lacagtaas u shubaan dawladda Spain.

Maxay ahayd sababtii Barcelona iyo Real Madrid canshuurta looga dhimay?

Labadan kooxood ee ugu waaweyn horyaalka Waddanka Spain ayaa canshuurta laga yaraynayay 20kii sannadood ee ugu dambeeyey si ka duwan kooxaha kooxaha kale, hadda ayayse dawladda Spain galka seefta kala soo baxday, iyagoo maxkamad la galay labadan.

Sababta canshuurta looga dhimay ayaa lagu sheegay in Spain ay markii hore u tixgelinaysay, in kooxaha kubadda cagta oo dhan ay yihiin hay’ado aan faa’iido doon ahayn.

Yaa ka daba tegay hadda?

Xukun uu soo saaray Midowga Yurub ayaa sannadkii 2016kii meesha ka saaray in dawladuhu ay hay’adaha ciyaaraha ee ka jira dalalkooda ay si gaar ah dhaqaale ahaan u saacadidaan.

Barcelona ayaa waqtigaas rafcaan ka qaadatay, waxaana ugu dambayntii ay noqotay in hadda amar lagu siiyo inay bixiyaan lacagahaas.

Saamaynta

Barcelona ayaa sannadkan shaacisay in deynta lagu leeyahay ay gaadhay €1.2 bilyan oo Euro, ayna tahay in ka badan kala badh ay bixiyaan sannadkan gudihiisa.

Real Madrid ayaa iyaduna si la mid ah kooxaha kale ee dunida, waxay dhibaato dhaqaale xumo kasoo gaadhay fayraska Korona ee illaa hadda ay garoomadu u xidhan yihiin.

xigasho laacib