Dalxiisayaal Faransiis ah oo lagu diley dalka Niger
Lix ruux oo dalxiisayaal ah una dhashay dalka Faransiiska iyo labo ruux oo gadhwadeen u ahaa ayaa lagu diley beer loo dalxiis tago oo ku taal gobolka Tillaberi ee dalka Niger.
Guddoomiyaha gobolka Tillaberi Tidjani Ibrahim ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in rag hubeysan oo saaran mootooyin ay qafaasheen kooxdan dalxiisayaasha ahaa kadibna toogasho ku diley.
Xafiiska Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xaqiijiyay in dadkan u dhashay dalka Faransiiska lagu diley dalka Niger.
Dowlada Faransiiska ayaa ugu digtey muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Niger halkaa oo deegaano badan oo ka mid ah dalkaas ay joogaan ururo daacad u ah ururada Boko Haram iyo IS.
Halka lagu diley dalxiisayaashan u dhashay dalka Faransiiska iyo labo ruux oo u dhashay dalka Nigeria ayaa ah meel lagu xanaaneeyo xayawaanka Geriga waxayna u jirtaa magaalada Niamey ee caasimada dalka Niger illaa 65km.
Dalka Niger ayaa waxa uu xad la leeyahay dalal ay ka mid yihiin Libya, Mali, Chad, Algeria iyo Nigeria.