Dekedda Magaalada Tripoli ee dalka Liibiya ayaa laga daadgureeyay ilaa 3,000 oo Geel ah kaddib markii madaafiic lagu weeraray dekedda, iyadoo geelan laga soo daabulay dalka Australia.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in Geela laga soo dejiyay dekedda loona waday dhinaca magaalada ku taal galbeedka ee Zawiya, halkaas oo saaka la geeyay.
Qaar kamid ah Geela ayaa lagu dhacay gudaha Liibiya, sida laga soo xigtay Reuters.
Waxaa lasoo xigtay mid kamid ah ganacsatada oo sheegayo in maleeshiyaad hubeysan ay ka dhaceen 125 ka mid ah Geela laga soo daabulay Australia.
Dowladda Australia ayaa horraantii sannadkan bilowday toogashada In ka badan 10,000 oo geel ah Australia, gaar ahaan dhinaca koonfureed ee dalkaas, ka dib markii ay dadka biyaha ku ciriiriyeen xilli ay jiraan

Dhexnimo Media/Hargeysa

Info@dhexnimomedia.com