Dagaallo Dad Shacab Ah Lagu Laayay Oo Ka Socda Gobolka Canfarta

Ugu yaraan 20 qof oo rayid ah ayaa la dilay tobanaan kun oo kalena waa lagu barakiciyay sababo la xiriira dagaallo u dhexeeya mucaaradka iyo xooggaga dowladda taabacsan ee ka socda gobolka Canfarta ee Itoobiya, oo deris la ah gobolka Tigray ee waqooyi-bari Itoobiya.
Dagaalka ka socda gobolka Tigray ayaa ku sii fidaya gobolka Cafarta, dagaal kaas oo dhaliyey in kumanaan qof ay dhintaan sideed bilood gudahood isla markaana sababay in boqolaal kun ay ku barakacaan sida Qaramada Midoobay ay sheegtay.