Dagaal dhiig badan uu ku daatay oo dhexmaray Milateriga India & Shiinaha (Sawirro)
By Caydiid Ali – June 17, 2020
Ugu yaran 20 askari oo ka tirsan ciidamada Hindiya ayaa ku dhimatay dagaal kala dhexeeyay ciidamada Shiinaha ee ku sugan dhulka muranka ka taaganyahay ee Ladakh.
Iska horimaadkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisad xooggan ay u dhexayso labada dhinac, waana kii ugu dhiig daadashada badnaa muddo ka badan 45 sano.
Milateriga Hindiya ayaa markii hore shaaciyay in saddex askari ay dhankooda uga dhinteen dagaalka, khasaare aan la shaacinna uu soo gaaray dhanka Shiinaha.
Balse gelinkii dambe ee Talaadada ayaa saraakiil Hindi ah waxa ay sheegeen in askar dhaawac uu kasoo gaaray dagaalka ay geeriyoodeen.
Wasaaradda arimaha dibedda ee Hindiya ayaa ku eedeysay Shiinaha uu jebiyay heshiis ay labada dal gaareen todobaadkii hore ku aaddan xasiloonnida Dooxada Galwan.
Beijing ayaan shaacin khasaaraha dhankeeda soo gaaray, balse waxa ay Dehli ku eedeysay inay ciidamadeeda usoo tallaabeen dhanka Shiinaha.