Warbixin saameyn yeelatay oo lagu sheegay in dawada malaariyada ee hydroxychloroquine ay sare u qaadeyso halista ah in bukaannada qaba coronavirus ay u dhiman karaan dawadaa, ayaa dib loo celiyay ka dib markii walaac laga muujiyay xogta ay xambaareysan tahay.

Seddax ka mid ah qoraayada cilmi-baarista waxay sheegeen in aysan xaqiijin karin saxnimada baaritaanka sababo la xiriira in Surgisphere, oo ah shirkadda caafimaad ee baaritaanka sameysay, aysan ogoleyn in guddi madaxbannaan ay xogtaas dib u eegis ku sameeyaan.

Baaritaanka shirkadaas wuxuu sababay in hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay joojiso baaritaan ay ku haysay dawada Malaariya si loo eego in lagu daweyn karo cudurka Corona.

Balse iyadoo warbixintaas ay jirtay haddana hoggaamiyeyaal uu Madaxweynaha Mareykanka ka mid yahay ayaa sii waday in ay xayeysiiyaan isticmaalka dawadaas.

Agaasimaha Fulinta Surgisphere, Sapan Desai, sidoo kalena ahaa qofka afaraad ee wax ka qoray warbixinta, wuxuu wargeyska The Guardian u sheegay in uu diyaar u yahay in guddi madaxbannaan loo dhiibo qoraalka, balse in xogta la wareejiyo ay noqoneyso “ku xadgudubka heshiiska macaamiisha iyo shuruudaha qarsoodiga ah”.

Maxaa ku qornaa cilmi baadhista?

Cilmi baarista, oo lagu daabacay wargeyska caafimaadka ee the Lancet bishii la soo dhaafay, waxaa ka qeyb galay 96,000 oo bukaan oo ku sugnaa 671 isbitaal oo ku yaalla daafaha caalamka. Ku dhowaad 15,000 oo ka mid ah waxaa la siiyay dawada hydroxychloroquine – ama nooca kale ee la midka ah ee chloroquine – waxayna liqeen dawada keligeed ama waxaa loogu daray antibiotic.

Waxaa cilmi baaristaa la sheegay in la ogaaday in dawada aysan muujinin wax faa’iido ah oo ay u leedahay bukaannada qaba cudurka korona, aysan sare u qaaday halista ah wadne garaac badan iyo in ay ku dhawaadaan dhimasho.

Mandeep Mehra, oo ah borfasoor ka tirsan Jaamacadda Harvard, oo hoggaaminayay cilmi-baarista, ayna wehliyeen Frank Ruschitzka, oo ka tirsan University Hospital Zurich iyo Amit Patel oo ka tirsan Jaamacadda Utah, waxay warqoraal ah ku sheegeen in ay isku deyeen in hay’ad kale oo seddaxaad loo dhiibo xogta si dib u eegis loogu sameeyo, balse Surgisphere ay diiday in arrintaas ay gacan ka geysato.

“Si qoto dheer ayaan kuu raali gelineynaa, adiga iyo dadka kale ee tafatiray, iyo hoggaanka Majaladda daabacday haddii ay ceebsatay ama ay dhibaato kala kulantay saameynta arrintan,” ayey sheegeen kooxda.

Caddeyn maloo hayaa in dawada ay u fiican tahay coronavirus?

Waxaa jiro walaac ay qabaan bulashada seyniska ee ku saabsan in dawadan loo isticmaalo la dagaallanka coronavirus.

Hydroxychloroquine waxaa loo diyaariyay daweynta malaariyada ama duumada, iyo xanuunnada la xiriira, balse weli ma jiro wax tijaabo ah oo lagu sameeyay oo ka dhan ah cudurka Covid-19.

Natiijada ka soo baxday tijaabo ay sameysay Jaamacadda Minnesota waxaa lagu ogaaday in hydroxychloroquine aysan u wanaagsanayn ka hortagga coronavirus.

Hay’adda WHO waxay 3-dii June sheegtay in tijaabada ay dib u billaabeyso ka dib markii ay joojisay bishii la soo dhaafay.

Cilmi baarisyo kale oo arrintan la xiriira ayaa laga sameeyay dhowr dal oo kale sida UK, US iyo Senegal.

Bishii March, hay’adda Cuntada iyo Dawada ee Mareykanka waxay fasaxday in loo adeegsado “xaaladaha degdegga ah”, waxaana la xakameeyay tirada bukaannada yaalla isbitaallada ee loo adeegsan karo. Balse bishii xigtay waxay soo saartay digniin ah in isticmaalkeeda ka dib markii la soo weriyay wadna xanuun ay ka qaadeen bukaannada qaar.