Ciidamo Itoobiyaan ah oo gudaha u galay Degmada Doolow + ujeedka

 

Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii la soo dhaafay gudaha u galeen degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen ciidamo fara badan oo wata baabuurta dagaalka, kuwaas oo fariisimo cusub ka sameystay garoonka degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaas ay Soomaaliya ka soo galeen dhanka xadka Itoobiya, mana cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintaasi.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyada ciidanka Itoobiya ay ka bilaabeen gudaha Soomaaliya ayaa ku soo aadayo, xilli dhowaan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen dhulka dowlad deegaanka.

Cabdiraxmaan Rashiid
Dhexnimo Media/Hargeysa
Dhexnimomedia@gmail.com