Ciidanka Socdaalka Somaliland (Immigration) ayaa saaka gudaha magaalada Hargeysa ka bilaabay hawl-gal ballaadhan oo lagu raafayo dadka ajaanibta ah gaar ah dadka qowmiyadda Oromada eek u nool Magaaladaas.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa Magaalada Hargeysa waxaa kusoo badanayay dadka ajaanibta ah gaar ahaan qowmiyadda Oromada oo qaarkood ka dawarsanaya.

Dad u badan Wariyeyaal ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay Baraha Bulshada soo dhigayeen Sawirada Rag kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, kuwaas oo ka dawarsanaya gudaha Magaalada Hargeysa, taas oo keentay in Ciidamada ay tallaabo qaadaan.

Ciidanka Socdaalka Somaliland aya goobo gaar ah geynayay dadka ay qab qabteen, iyada oo aysan fah faahin ka bixin sida ay ka yeelanayaan, hayeeshee warar soo baxayay ayaa sheegaya in Itoobiya dib loogu celin doono.