Chelsea ayaa faa’idadii ugu badneyd ka sameysay suuqa kala iibsiga marka loo eego dhamaan kooxaha dunida labadii suuq kala iibsi ee ugu danbeysay, sida lagu sheegay daraasad cusub oo soo baxday.
Madaama xagaagii hore ay xayiraad ka saarneyd suuqa kala iibsiga, Chelsea ayaa qarashgareysay kaliya 45 milyan euro oo ay heshiiskii amaahda ee Mateo Kovacic ugu bedeleen mid joogta ah.
Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa 205 milyan euro ka sameysay ciyaartoyda ay iska iibisay oo ay ku jirto heshiiskii 100ka milyan euro ee ay Eden Hazard uga iibiyeen Real Madrid.
Taas bedelkeeda Real Madrid ayaa qasaaro 181 milyan euro ah la kulantay labadii suuq kala iibsi ee ugu danbeeyay sida lagu sheegay daraasada oo ay sameysay CIES Football Observatory.
Aston Villa ayaa noqotay koox labaad ee qasaaraha ugu badan uu soo gaaray ee ku xigta Real Madrid iyagoo 172 milyan ginni ciyaartoy ku soo iibsaday markii ay u soo dalaceen Premier League halka ay kaliya 3 milyan euro ciyaaryahan ku iibiyeen taasoo ka dhigeysa inay ku jiraan qasaaro 169 milyan euro ah.
Guud ahaan kooxaha Premier League ayaa qasaaro xoogan ay soo gaartay marka loo eego kooxaha shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub, iyadoo qasaaraha kooxaha Premier League ay wadar ahaan gaareyso 844 milyan euro. Taasoo la micno ah in lacagta ay wax ku soo iibsadeen ay 844 milyan euro ka badan tahay tan wax looga iibsaday.
Advertisements
Chelsea oo qasaaro maaliyadeed oo 96.7 milyan ginni ah ay soo gaartay xisaab xirkoodii ugu danbeeyay ayaa ah kooxda kaliya ee Premier League ee ku jirta 10ka kooxood ee faa’idada ugu badan ka sameeyay suuqa kala iibsiga.
Benfica oo 113 milyan euro Joao Felix uga iibisay Atletico Madrid xagaagii la soo dhaafay ayaa ku jirta kaalinta labaad iyagoo sameeyay faa’ido 166 milyan eruo ah, halka Ajax ay ku jirto kaalinta seddexaad iyagoo sameeyay faa’ido gaareysa 137 milyan euro madaama ay Matthias de Ligt ka iibiyeen Juventus halka Frankie de Jong ka iibiyeen Barcelona.