Chelsea Oo Digniin U Dirtay Ciyaartoygeeda Kaddib Markii Uu Mason Mount Oo Karantiil Ku Jiray Bannaanka Usoo Baxay

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa xasuusisay ciyaartoygeeda inay muujiyaan masuuliyad oo ay qaataan talooyinka dhakhaatiirta, isla markaana ay ku jiraan karantiilka oo aanay dibedda usoo bixin.
Chelsea ayaa ciyaartoygeeda ku amartay inay karantiil shaqsi ah ku galaan guryahooda kaddib markii Jimcihii xanuunka Coronavirus laga helay Callum Hudson-Odoi, waxaana ciyaaryahannada guryahooda inay joogaan oo aanay bannaanka usoo bixin ka mid ahaa Mason Mount oo si lama filaan ah Axaddii loogu arkay garoon lagu tababarto isagoo ay wehelinayaan afar qof oo kale oo uu ka mid yahay xiddiga West Ham Untied ee Declan Rice.
Mason ayaa kubad la ciyaaray dhawr qof, laakiin da’yar tababar ku qaadanaysay xaruntaas ayaa ka yaacay markii ay arkeen laacibka Chelsea oo ay hore warbaahinta uga ogaadeen in kooxdiisa oo dhan karantiil la geliyey.
Advertisements
Chelsea ayaa markii uu warkan soo baxay waxay ciyaartoygeeda u dirtay farriin, iyadoo amartay in ay u hoggaansamaan tallaabooyinka hore loogu sheegay inay raacaan oo ay ka mid tahay in aanay cidna la kulmin muddo 14 maalmood ah, sidoo kalena ay karantiil ku ahaadaan gurayahooda oo aanay dibedda uga soo bixin.
Blues ayaa loo soo jeediyey inay ganaax kusoo rogto Mount oo halis geliyey nafaha dad kale xilli isaga looga shakisan yahay inay suurtogal tahay inuu kusoo jiro xanuunku maadaama uu la kulmay Hodson-Odoi.