Casharka 9aad Ee Axkaamta Soonka
‐ 17 ‐
 Miyiqab :
Shardiga saddexaad ee waajibiya soonka waa Miyirqab waxaana cadaynaya
xadiithkan:
Cali (r.c) wuxuu rasuulka (s.c.w) kawarinayaa inuu yiri :
( رفع القلم عن ثلاثة: عن النائم حتى يستيقظ، وعن
]الصبي حتى يحتلم، وعن المجنون حتى يعقل)[ابن ماجة].
( Saddex xaggooda qalinka waa lag koryeelay: ruuxa jiifa illaa uu soo
tooso, iyo ilmaha yar illaa uu qaangaadho iyo midka waalan illaa uu wax
garto {miyirsado}) [ibnu-maajah].
Sidoo kale waxaa xugunkan soo galaya ruuxa Waayeelnimo darted isku
daranka noqday (cantatabay ama asaasaqay), ruuxa sidaa ahna soonka
waajib kuma aha fidyana lagama rabo, waxaana laga soo qaadayaa sida
ruuxa waalan oo kale, hadii uu ruuxa marna waalanayo marna miyirsanayo
inta uu miyirkiisa joogo soonka waa kuwaajib, lagamana rabo inuu soo
qalleeyo soonkii katagay maalmihii uu miyir la aanta ahaa ama waalnaa.
 Karitaanka Soonka Awood Ahaan Iyo Sharci Ahaanba :
Shardiga afaraad ee waajibiya waa: in uu ruuxa xammili karo soonka,
awood ahaan xagga jidhka ah iyo sharci ahaan labadaba.
Awoodda xagga jidhka ah waa: in uu ruuxa awood uleeyahay soonka, hadii
uu ruuxa qabo cudur kukeeni karo dhib hadii uu soomo, waxaa ubanaan in
uu afuro soona qalleeyo marka uu ka bogsado cudurkii hayay, haddiise uu
yahay cudurka haya mid aan la rajaynaynin inuu ka caafimaado, waxaa laga
rabaa maalin kasto inuu quudiyo ruux miskiin ah, wax qalla ahna luguma
laha.
Hooyada uurka leh iyo midda ilmaha nuujinaysa (jaqsiinaysa) hadii ay
ucabsadaan ilmohooda ama naftooda, waxaa ubanaan inay afuraan,
waxaana laga rabaa inay soo qalleeyaan soonkii uurka ama nuujinta darteed
kaga tagay maalinkastana miskiin ayey quudinayaan waa hadii ay u
cabsadaan ilmohooda sidaa daraadeedna ay u afuraan. Anas binu malik (r.c) wuxuu warinayaa inuu rasuulkii Alle (s.c.w) yiri :
( إن الله عزوجل وضع عن المسافر شطر الصلاة، وعن المسافر
والحامل والمرضع الصوم) [أحمد].
(Allaah qaalib noqoy oo waynaaye wuxuu ka dajiyey musaafirka xaggiisa
salaadda badhkeed, musaafirka xaggiisa iyo xaamilida iyo midda
nuujinaysa {wuxuu kadajiyay} soonka) [axmed].
Karitaanka sharci ahaaneed waa: in ay gabadha nadiif katahay dhiigga
caadada iyo dhiigga dhalmada labadaba, soon iyo salaad midna luguma laha
kamana asaxayo intay xaaladdaa ku jiraan dumarka.
Gabadha xaydka dartii uu soonka ku dhaafay iyo hooyada umusha darteed
uu soonka kagatagay, maalmahaa katagay waxay soo qallaynayaan, maalma
kale ooy daahir yihiin, salaaddii katagtayse ma soo qalaynayaan, waana
fududayn xag Eebbe ka ahaatay.
عن معاذة قالت سألت عائشة (رضي الله عنها) فقلت: ما بال
الحائض تقضي الصوم ولا تقضي الصلاة ؟ فقالت: أحرورية
أنت؟ فقلت لست بحرورية ولكن أسأل. فقالت: كان يصيبنا
ذالك فنؤمر بقضاء الصوم ولا نؤمر بقضاء الصلاة. (متفق
عليه)
( Mucaadah waxaa lawarinayaa inay tiri: caaisha ayaan su’aalay oo
waxaan idhi: maxaa ugu wacan oo gabadha uu xaydka qabto ay soonkana
u qallayn salaadana u qallaynaynin? Waxaytiri: oo ma xaruuriyad baa
tahay adiga? markaa waxaan iri xaruuriyad ma ihi ee laakiin waan
waydiinayaa, waxay tiri: arrinkaas wuu nugu dhici jiray waxaana nala
amri jiray soonka soo qallayntiisa salaadda soo qallaynteedana nala amri
jirin).
(xaruuriyad waa magac ay leeyihiin khawaaijta, ayagaana amri jiray inay
gabadha soo qaallayso salaadihii katagay intay qabtay xaydka!).