Casharka 10aan Axkaamta Soonka

‐ 19 ‐
 Nagaansho.
Shardiga shanaad ee waajibiya soonka waa: Nagaansho (ruuxa oon
musaafir ahayn) ruuxa musaafirka ahse waxaa ubanaan inuu afuro bisha
ramadaan wayna ubanaantahay inuu safarka ku dhex soomo, labada
arimoodbana wuu sameeyay rasuulka (s.c.w)
عن ابن عباس رضي الله عنه قال : صام رسول الله صلى الله عليه
وسلم في السفر وأفطر.
( Ibnu cabaas (r.c) wuxuu yiri: rasuulkii Alle (s.c.w) wuu soomay safar
dhexdii wuuna afuray).
Ruuxa musaafirka ah uma fiicno inuu soomo haddii uu ku dhib mudanayo
soonka, haddii uuna ku dhibaatoonayninse way ubanaantahay sidaan kor
kusoo sheegnay.
عن جابر بن عبد الله رضي الله عنهما قال: ( كان رسول الله صلى
الله عليه وسلم في سفر فرأى زحاما، ورجلا قد ظلل عليه
فقال:ما هذا؟ قالو صائم قال: ليس من البر الصيام في
السفر) (متفق عليه) .
وفي لفظ لمسلم: (عليكم برخصة الله التي رخص لكم).
( Jaabir binu cabdillaahi {isaga iyo aabihiiba Allaah haka raalli noqdee}
waxaa laga warinayaa inuu yiri: rasuulkii Alle oo safar ku jira ayaa arkay
urur {meel lugu tuursanyahay} iyo nin loo dallaalimeeyay {loo hoosiyay}
markaasuu yiri: kani muxuu ahaa? Waxay dheheen waa mid sooman,
wuxuu yiri: wanaagga kama mid aha in safarka dhexdiisa la soomo).
Odhaah muslim usugnaatayna waxaa ku sugan: (qaata rukhsadii Alle ee uu
idiin rukhseeyay idinka).
Safarka uu ruuxii soomanaa ku afuri karo, salaaddana lugu gaabinkaro waa:
meesha caada ahaan ay dadka uyaqaanaan safar, oo la odhankaro, “hebal
safar ayuu ku maqanayahay” qayb culimada kamid ahna waxay
dheheeheen, waa in ay tahay meel jirta masaafa dhan: ilaa 80 km, (sideetan
kilometer) hadallo kale oo fara bandanna way sheegeen culimada

‐ 20 ‐
10. Waxyaabaha Soonka Jabiya
Soonka waxaa jabiya qodobadan hoos ku qoran :
 Wax jidhka gudihiisa gaadha oo cunto iyo cabbid ah ama shay qabanaya
shaqada ay jidhka uqabtaan cuntada iyo cabitaanka si ulakac ahna ugaadha .
 In mantag (hunqaaco) si ulakac ah la isaga keeno.
 In si ula kaca ah galmo loo sameeyo .
 Biyo dajin (minida oo timaada) kuna timaadda taa-taabasho iyo raaxaysi.
 Dhiigga caadada (xaydka) oo yimaada .
 Dhiigga dhalmada (nifaaska) oo yimaadda .
 Waalli iyo wixii lamid ah oo ruuxa ku dhacda .
 Riddoobid (ruuxa oo diinta ka baxa) ALLAAH ayaan kamagan galnay.
 Ruuxa oo niyooda inuu afuro inta ay qorraxda soojeedo.
Marka la helo mid kamid ah qodobadan kor ku qoran, ruuxii soomanaa soonkiisi
wuu jabay, waxaana waajib ku ah inuu soo qalleeyo soonkii sidaa kagajabay oo
idil.
Faah-faahin
 Jabiyaha koowaad ee soonka waa:
Wax gaara caloosha ama jidhka gudihiisa oo cunto iyo cabbid ah ama
qabanaya shaqada ay jidhka uqabtaan cuntada iyo cabitaanka, sida:
faleenbooyinka nafaqada, ama in dhiig lugu shubo, ruuxii oo sooman, i.w.m.
Waxaa isku mid ah waxa jidhka gudihiisa galay inuu kagalo meelaha furan
sida: afka, xagga danbe, ibta, sanka, dhagaha, iyo in irbad (silingo) ahaan
lugu siiyo, Addilada arintaa tusinaya waxaa kamid ah:
وكلو واشربو حتى يتبين لكم الخيط الأبيض من الخيط
الأسود من الفجر ثم أتموا الصيام إلى اليل