Burcad soo xiratay Wajiga ciyaaryahan caan ah oo xabsiga la dhigay
Booliiska dalka Masar ayaa gacanta ku dhigay afar nin oo burcad ah oo dhac ka geestay xarumo ganacsi oo kuyaala magaalada Qaahira, burcadan ayaana la sheegay in wajiga kusoo xirteen maaskaro ka sameesan wajiga ciyaaryahan Maxamed Saalax.
Burcadan oo hubeesneyd ayaa xili ay dhac ka geesanayeen xaafada Nasri ee magaalada Qaahira waxa ay isku dhaceen ciidamada booliiska ,waxa ayna ku baxsadeen gaari yar kahor inta aysan booliiska gacanta kusoo dhigin.
Ciidamada booliiska ayaa soo bandhigay afartan nin ee burcada ah iyadoona hortooda lasoo dhigay maaskarada wajiga Ciyaaryahanka kooxda Liverpool Maxamed Saalax ay dhaca u adeegsanayeen iskuna qarinayeen.
Xiddiga xulka kubada Cagta ee Masar iyo kooxda Liverpool Maxamed Saalax ayaa taageero badan ku leh dalkiisa, waxaana baraha bulshada hadal heyn badan ka abuuray burcadan wajiga u adeegsatay dhaca.