Bruno Fernandes waxa uu leeyahay caado xun oo ah inuu kubada dhiibto kulamada waa weyn taasoo ka careysiisay tababarihii Man United Ole Gunnar Solskjaer sida uu sheegay xiddigii hore ee Premier League Jamie O’Hara.

Fernandes ayaa wacdarro dhigayay tan iyo markii uu ku soo biiray Red Devils isagoo xitaa isku qoray taariikhda Premier League madaama uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee afar jeer sannad gudahiis ku guuleystay abaalmarinta bilaha ee horyaalka.

Laakiin xiddiga reer Portugal ayaa lagu dhaleeceeyay inuu muuq beelo kulamada waa weyn, Roy Keane ayaa xitaa sheegay inay tani sabab u tahay inaan lala barbardhig xiddig weyn sida Eric Cantona.

O’Hara oo u soo dheelay Tottenham iyo Wolves ayaa aaminsan in Fernandes uu leeyahay caado xun oo ah inuu kubada si sahlan u dhiibto taasoo ka careysiisay tababarihiisa.

“Bruno Fernandes si weyn ayaa loo buunbuuniyaaa, qof walba wuxuu ka hadlaa sida uu u yahay ciyaaryahan aad u fiican, fantastik ayuu u yahay Man United” ayuu O’Hara u sheegay talkSPORT.

“Laakiin todobaadyadii ugu danbeysay marka aan daawaday kulamada uu ka horyimid kooxaha waa weyn, Liverpool iyo Man City, wuxuu ahaa mid aad u liitay… heerka baasaskiisa waa mid aad u liita … Ole Gunnar Solskjaer wareysi yar uu bixiyay wuxuu ku sheegay in Fernandes uu ka careysiiyo, waana arki karaa sababta sababtoo ah isagoo meel muhiim ah taagan ayuu kubada u dhumiyaa si sahlan oo ku celcelis ah.

“Qof walba wuxuu dhaleeceeyaa Paul Pogba, dadku uma naxariistaan, si la mid ah Harry Maguire, waxaan qabaa in Scott McTominay uu fantastik ahaa kulankii Man United iyo Liverpool si la mid ah Luke Shaw.

“Laakiin markii aan eegay qaab ciyaareedka Bruno Fernandes waxaan ku fekerayay ‘Sida rigoorooyin badan loo dhaliyo waad garaneysaa laakiin kulamadaan waa weyn ayaa lagaaga baahan yahay inaad ismuujiso haddii ay kooxdaada horyaalka ku guuleysaneyso’. Wuu muuq beelaa kulamada waa weyn.”