Bruno Fernandes ayaa qirtay in xiddigaha Manchester United aysan qabanin shaqo fiican ka dib markii ay si niyadjab leh uga hareen tartanka Champions League.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa u muuqatay inay ka soo baxayaan Group H ka dib guulo ay mar sii horeysay ka gaareen PSG iyo RB Leipzig.

Laakiin kooxda Premier League ayaa guuldarro lama filaan ah ay ka soo gaartay Istanbul Basaksehir ka hor inta aysan guuldarro kala kulmin PSG iyo Leipzig labadii kulan ee ugu danbeysay ee wareega group-yada.

Advertisements

Manchester United ayaa u baahneyd kaliya hal dhibic inay ka hesho kulankii habeenka Talaadada ee RB Leipzig si ay u soo baxaan, laakiin waxaa lagu garaacay 3-2 iyadoo loo riday Europa League.

Fernandes oo shabaqa soo taabtay guuldaradaas ayaa aamusnaantii ka baxay isagoo qoraalkaan soo dhigay baraha bulshada.

“Wax fiican oo nagu filan ma aanan sameynin, waa qasab inaan wax ka fiican sidaan sameyno si aan u matalno koox sidaan u weyn, gaar ahaa inaan ka ciyaarno Champions League oo aan la dheelno kooxaha waa weyn.” ayuu Fernandes ku soo qoray Instagram

Dhabarjab xoogan ayay ku tahay Manchester United inay ka hartay Champions League, waxayna shaki weyn sii gelineysaa in Solskjaer uu sii ahaan doono macalinka kooxda.