Boqol-Guurada Jabkii Daraawiishta (1921—2021) WQ: Cali Cabdi Coomay

Qabsashadii Ingiriiska ee Taleex

Taleex waxa la degay sannadkii 1912-kii, ka horena waxa ay ahayd ceel xooluhu biyaha ka cabbaan Daraawiishtu waxa ay ka dhisteen Taleex afar qalcadood oo kala ah:

  • Falaad: waxa ay ahayd aqalka Sayidka
  • Daawad: waxa ay ahayd xarunta martida xarunta meel loogu talogalay
  • Eegi: waa goobtii ilaaladu lahayd, waxa dusheeda laga arki karaa 50 mayl
  • Silsilada: oo ahayd qalcadda ugu weyn ee hubka iyo raashinka lagu kaydiyo

 

 Ciidamadii Weerarka Qaadayey Iyo Hubkooda

  • Koox diyaarado ah (D.H.9) oo haysta lix mashiin oo kayd ah, loona yaqaaay xubinta “ Z” oo ka tirsanaa ciidankii cirka ee Boqortooyadda
  • Rakuubley Soomaali ah oo sita 700 oo Buntukh
  • Urur isugu jira lixaad iyo labaad ee ciidankii Buntukhleyda afrika ee Boqorka” Kings African Rifles”, oo sida 700 Buntukh.
  • Ururka BARK koowaad iyo boqol iyo koowaad ee ciidanka Bamka qarxiya oo ahaa ciidanka Hindi, oo sita 400 oo Buntukh.
  • Askar laga soo ururiyey Qabaa’ilka Soomaalida oo aan joogto ahayn, 1,500, iyo 300 oo ilaalo ah.

4/2/1920-kii ayay diyaaradihii Ingiriisku Taleex Bambooyin oodda kaga qaadeen, laakiin khasaare badan muu geysan, sidoo kale 5/2/1920-kii ayuu Ingiriisku ciidankiisii dhulka isugu geeyey Qawlo oo qiyaastii 10 mayl u jirta Taleex, kana xigta dhinca koonfur galbeed. Balse waxa xaruntii Taleex ka baxsaday Sayidka inankiisii C/raxmaan Sayid Maxamed iyo Yuusuf Xayle oo Sayidka adeer iyo soddog labadadab u ahaa. Waxa ay u galeen ciidankii Ingiriiska oo jooga Qawlo, waxa aanay  bixiyeen xog ah inuu Sayidku Taleex joogo, kuna jiro Qalcadda Silsiladda, ciidan xoogan u haysto. Sidoo kalena ay haystaan Raashin ku filan muddo sannad ah, hasa yeeshee ay niyad jabsan yihiin. 1-dii duhurnimo ayay ciidankii Ingiriisku weerareen xaruntii Taleex, iyaga oo hareereeyey si Sayidka gacanta loogu dhigo.  Laakiin 4-tii galabnimo ayuu Sayidku ka baxsaday Taleex waxaan sii raacay shacabkii iyo ciidankiisii intii ku xeeranayd, intii dagaalku socday ciidankii Daraawiishta waxa laga diley tiro badan, qaarkoodna waa la qabtay.

Ragga ka tirsanaa ciidankii Ingiriiska oo Soomaali ahaa ayaa sheegay inay arkayeen markuu Sayidku baxayey, balse maanu doonayn inuu Ingiriisku qabto. Fiid dambe ayaa laga war helay in Sayidku ka baxsaday Qalcaddii Taleex. Ka dib waxa laga daba diray 700 askari oo Fardooley ah, balse lama gaadhin. 7/2/1920-kii ayey xaurntii Taleex gacanta u gashay ciidankii Ingiriiska iyo huwantiisii. Sayidka iyo kooxdii la socotay waxa ay galeen Buuraha Boocame iyo Biratable. Co-weyne oo ahaa ciidan Daraawiish ah iyo huwantii Ingiriiska ayaa ku dagaalamay dooxa WAW oo waqooyi galbeed ka xiga Garoowe, waxaana goobtaasi lagu dilay 40 qof oo ay carruuri ku jirto, waxa ka mid ahaa 7 wiil oo Sayidku dhalay. Sidoo kale waxa la’laayey Daraawiishti maxaabiis ahaan loo soo qabtay. Markii ay qaxeen Sayidka iyo Daraawiishtii la socotay oo isugu jira dhaawac iyo kuwa fayow ayaa isugu tegay Nugaal. Sayidka ayaa niman sahan ah u diray inay soo eegaan dhulkii ay ka soo qaxeen xaalkiisa, warkii lagu soo celiyey ayaa noqday inuu dhulkii u gacan galay Ingiriis iyo huwantiisii.

Ka dib Sayidka iyo intii la socotayba waxa ay u jihaysteen dhinacaa Soomaalida Itoobiya maanta, waxa ay sii mareen Docma, Gallaadi ilaa Wardheer, waxa aanay u dhaafeen Afyaraaddo oo Wardheer ka shishaysa, oo qiyaas ahaan u jirta 30 mayl. Socdaalkii qixitaanka waxa ay Sayidka iyo kooxdii la socotay ugu gudbeen deegaanka Shinniile, halkaasina way degeen. Wixii intaasi ka dambeeyey Daraawiishtii waxa ku habsaday Furuq, Duumo iyo Nafaqo daro aa du naafeeyey, isla-markaana waxyeello weyn u geystay. Wuxuu Sayidku halkaasi ku waayey Rag tiro badan, sida walaalkii oo la odhan jiray Khaliif Cabdille. Dhibtaasi waxa ay Sayidka ka keentay inuu ilmeeyo. Sidoo kale waxa halkaasi ku soo afjarantay qorshihii Sayidka ee ahaa inuu dagaal rogaal-celin ah ku soo qaado Ingiriiska.

U Qixiddii Sayidka ee Iimey

Sayidka iyo koox Daraawiish ah oo la socotay waxa ay u qaxeen dhinacaa iyo dhulka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan Iimey. Waxa ay gaadheen webiga Shabeelle meel waqooyi kaga beegan. Ka dib Sayidka ayaa la kulmay saddex nin oo deegaankaasi ah, waxaanu ku yidhi”: nin wuxuu ka doonay walaashii, nin wuxuu siiyey gabadh, halka nin kalena uu gabadh ka doonay. Wakhtigaasi waxa qiimo weyn lahayd xididnimada, ka dib wuxuu ku yidhi gaalaa na wadda oo magan baanu idiin nahay. Dhawr doonyood ayey u keeneen, waxa ay yidhaaheen dhinaca kale u soo tallaaba, markaasay u gudbeen dhinicii kale. Iimey waa buur aan weynayn oo giraangirsan oo webiga dhinaca ku haysa, dhinaca kalena waa dhagax aan la fuuli karin. Aroortii  dambe ayey Sayidkii iyo afar nin fuuleen Buurtii, Sayidka miisaankiisa oo cuslaa awgeed buurtii ayaa ku adkaatay fuulistii, waxaana badhi taageeray Abshir Dhoorre iyo Cisamaan Boos. Sidaasi ayey Iimey ku degeen, waxa aanay ka dhisteen laba daarood, waana meeshii ugu dambaysay ee ay qalcad ka dhistaan.

Geeridii Sayid Maxamed Cabdille Xasan

Sayidka iyo intii la socotay oo ku sugan Iimey oo ka tirsan Soomaalida Itoobiyada maanta, waana deegaan Caruuso. Ka dib wuxuu Sayidku galay guri halkaasi uu ku lahaa, waxaanu ku yidhi Raggii la joogay yaan la ii iman, laakiin duhurkii ka dib ayuu u yeedhay laba hablood oo ay walaalo ahaaheen oo kala ahaa Jamaad iyo Rooxo, waxaanu u sheegay inuu xannuun hayo, markii casarkii la gaadhay ayuu u yeedhay Abshir Dhoorre oo ka mid ahaa ragga ugu dhaw Sayidka, waxaanu ku yidhi” Galabta culays baa I saaran ee Daraawiishta kala maamul, gaar ahaan adiga”.

Markii la gaadhay makhribkii ayuu hablihii ay walaalaha ahaayeen iska diray, waxaanu ku yidhi iska taga oo Abashir Dhoorre ha ii yimaado. Markii Abshir Dhoorre u tegay ayuu arkay Sayidkii oo naftu ka baxday, markuu hubsaday inuu meyd yahay, ayuu maro saaray, ka dib laba nin oo gaah ahaa ku yidhi yaan aqalka cidi gelin. Ka dib wuxuu Abshir u yeedhay dhawr nin oo ka mid ahaa Daraawiishtii ugu dhawayd Sayidka iyo weliba qoyskiisii, si uu ugu sheego geerida. Raggii arrintaasi loo bandhigay waxa ka mid ahaa Sh. Yuusuf Cabdille oo Sayidka walaalkii ahaa, Xuseen Faarax iyo Aw Cabdiile Ibraahim, waxaana lagu tashaday in la aaso oo la qodo xabashii, sidoo kalena aan la ogaan warka geerida si aanu u maqal Ingiriisku. Waxa la bilaabay xabaashii, waxaana laga qoday qalcad markii hore la dhisaayey oo markaa qorisaar joogta dhexdeeda ayey qabri ka jeexeen, in kastoo meeshu dhagax lahayd.

Markii nin jooggii ay arooriyeen ayay hoos qabrigii ka soo dhiseen, halkaasina ayey ku aaseen, ka dib waxa ay ka dul-dhiseen kuus hal dhudhin le’eeg. Markaasay daartii ka baxeen oo dusha ka malaaseen, balse Sir Geofery  Archer oo ahaa nin jebiyey Daraawiishta wuxuu sheegay inuu Sayidku geeriyooday 23/11/1921, isaga oo lix cisho xannuunsaayey, wixii Daraawiish raacdayna uu laayey daacuun iyo xannuuno durey loo maleeyey. Ummadii iyo Daraawiishtii joogtay goobtii Sayidku ku dhintay waxa ay u qaybsameen laba qaybood. Wixii reer Sheekh Cabdille ahaa iyo dadkii aan ka hadhi karini waxa ay tageen gurigii reer Daadhi oo ka tirsanaa qoomiyada Oromada, oo ay ku dhaqnaayeen Reer Cabdulle Xasan. Intii kale waxa ay noqdeen kuwa bari iyo Nugaal u kaca iyo weliba kuwa webiga Shabeelle hoos u qaada oo Talyaaniga u galay.

Xabaashii Oo Sayidka Laga Saaray

Laba jeer ayuu Ingiriisku isku dayey inuu lafihii Sayidka qaato:

  • Iyadoo afar sanno laga joogo burburkii Daraawiisht, ayuu ninkii la odhan Archer ee Sayidka Jebiyey Hargaysa ka diray safar ujeeddadiisu qarsoonayd, si meydkii Sayidka looga saaro qabriga lagu aasay, laakiin Itoobiya oo qabriga Sayidku ku yaalay waa laga qariyey in meydka la soo saarayo. Safarkii Hargaysa ka baxay, waxa ay u jeesteen dhinacaa iyo iimey, habeenkii waxa ay u dhaxeen meel Dhagax-buur u dhow oo la yidhaa Higlaaley. Iyagoo safarkii halkaasi degan ayey la kulmeen arrintan. Nin reer Dhagax-buur ahaa ayaa nin kale ku diley goobtan safarku ku dhaxay, ka dib ciidan Xabashi ahaa ayaa habeenkii guureeyey, iyaga oo doonaayey inay ninkii dilka geystay soo qabtaan, ka dib wuxuu ciidankii Xabashidu ku soo baxay safarkii oo meesha degan, markaasaa xabbad ay isku rideen. Halkaasina waxa ku fashilmay hawshii soo qaadista lafihii Sayidka.
  • Xaaji Isaaq Daadhi oo ahaa Boqorkii Caruusa oo Sayidku magangalay ayaa sheegay in Ingiriisku mar kale isku dayey inuu soo faqo xabaashii Sayidka, waxaanu Ingiriisku weydiistay Xayle-salaase ogolaasho hawshaasi lagu fuliyo. Ka dib waxa la diray sarkaal Ingiriis ah, waxaanu u tegay Xayle-salaase, ka dibna wuxuu weydiistay in loo darbo daabbad, loona fududeeyo siday Iimey ku tegi lahaayeen, dabadeedna markii Awr iyo Buquul iyo Askari loo darbay, laba meelood bay iska dhigeen, mid welibana nin Ingiriis ah ayaa watay. Adari ayey ka dhaqaaqeen, siday u sii socdeen ayey habeenkii meel degeen, xoolana ku qasheen, ka dib Waraabe ayaa soo raacay raqdii, markaasuu nin Askari ahi sasay oo xabbad riday, isaga oo mooday in la soo weeraray. Halkii ayey hawshii ku joogsatay, isagoo Ingiriisku u qaatay in Xayle-salaase shiqool u dhigay. Xaaji Isaaq Daadhi wuxuu sheegay inay maqleen warka ah in Ingiriisku doonayo inuu la soo baxo lafihii Sayidka, markaasuu u diray Xaaji Axmed Cabdille Xasan iyo Sh. Xasan Sh. Cabdille, waxaanay kaxaysteen rag iyo Awr markaasay lafihii ka saareen qabrigii oo meel kale ku aaseen.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Tixraac:

Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayidka….. Aw Jaamac Cumar Ciise, AHN, Jabuuti 2005.