Waxaa shalay ilaa xalay roobab xoogan oo qaarkood dabeylo wateen waxa ay ka da’een qaar kamid ah gobolada Soomaaliya, waxaana roobabkan dhaliyeen khasaaro kala duwan oo soo gaaray dad iyo duunyo.
Deegaanka Qorile katirsan gobalka Mudug, ayaa xalay biriq waxa ay ku dishay afartan neef oo geel ah, kadib markii ay biriqda ay kula dhacday xero ama mooro ay ku xareesnaayeen geelaasi.
Wararka ayaa sheegaya in geela biriqda dishay loo tagay iyaga oo wada dhintay, waxa ayna arintan murugo badan ku beertay qoyskii lahaa geelahaasi iyo waliba dadka deegaanka oo aad uga naxay mashaqadan.
Roobab dabeleylo watay oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay gobolada Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan ayaa sababay in ay bur buraan guryo badan , waxaa sidoo kale roobabkan waxyeelo gaarsiiyeen dad iyo duunyo intaba.