Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday inay heshiis la gashay weeraryahanka Martin Braithwaite oo ay 18 milyan oo Euro kagala soo wareegtay kooxda Leganese, kaas oo u beddelaya Ousamen Dembele oo dhaawac qalliin lagu sameeyey.
Barcelona ayaa suuqa u gashay raadinta weeraryahan cusub markii xidhiidhka kubadda cagta Spain iyo maamulka LaLiga ay u ogolaadeen inay lasoo saxeexan karto beddelka Dembele oo dhaawac culus oo soo gaadhay u maqnaan doona muddo lix bilood ah, waxaanay dhawr laacib oo lala xidhiidhiyey kaddib ay ugu dambayntii shaacisay heshiis ay la gashay Baraithwaite.
Kooxda reer Spain oo sidoo kale uu dhaawac kaga maqan yahay Luis Suarez oo aan fursad badan u haysanin inuu kusoo laabto xili ciyaareedkan, ayaa waxay maanta dhamaystirtay saxeexa weeraryahanka Braithwaith oo qalinka ku duugay heshiis soconaya illaa badhtamaha sannadka 2024.
Advertisements
Heshiiska laacibkan ayay Barcelona ku dartay qodob muujinaya lacagta lagu burburin karayo qandaraaskiisa ee ay bixin doonto kooxda soo dalbata ogolaashiyo la’aan, taas oo dhan 300 milyan oo Euro.
War-saxaafadeed ay Barcelona soo saartay ayaa waxay faahfaahin kaga bixisay qandaraaska ay la gaadhay laacibkan, waxaanay ku tidhi: “Martin Braithwaite Christensen oo 5 June 1991 ku dhashay magaalada Esbjerg, Denmark, waa weeraryahan aan daalin oo imanaya FC Barcelona kaddib sannad uu muujiyey xoogganaan oo uu la qaatay Leganes.”