Saddex askari oo Faransiis ah ayaa lagu dilay dalka Mali, ka dib markii gaadhigooda gaashaaman lala beegsaday walxaha qarxa.

War qoraal ah oo ay soo saartay, madaxtooyada Faransiiska ayaa lagu sheegay in dhacdadan ay dhacday intii ay socdeen hawlgallada ka socda gobolka Hombori, ee badhtamaha gobolka Saaxil.

Afartan iyo toddobo askari oo Faransiis ah ayaa ku dhintay Mali tan iyo markii Faransiisku bilaabay faragelinta milatari sannadkii 2013-kii kaasi oo ay ku tilmaameen guluf ka dhan ah dagaalyahannada Islaamiyiinta ah ee ka dagaalamo Mali.